Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Muuse Biixi Cadaadis Ku Saartay Inuu Bedelo Go’aankii Uu Ku Joojiyay Wada-Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo shalay kulan la yeeshay wefdi ka socday midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxtooyadda ayaa waxa shaacisay in madaxweynaha iyo waftigu ay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-haddaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii hore mar uu safar ku marayay gobollada bariga Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in uu joojiyay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joojiyay wadahadalada ayaa waxaa ka hore uga soo horjeestay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

warar xog-ogaal oo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in beesha caalamku ay Cadaadis ku saartay Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi uu bedelo mowqifkiisii ahaa inuu hakad geliyo wadahadaladiiSoomaaliya.

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.Com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker