Hanbalyo Musharraxa Golaha Deegaanka Deg. Oodweyne Sayid Qayrre Cabdillaahi

 

 

Marka ay arrintu tahay hoggaaminta maasiirka  bulshada ma jirto boggaadin ka fiican marka aad aragto shaqsi u qalma hoggaaminta bulsheed oo raba in uu bulshadiisa i su soo sharaxo si ay u doortaan bulshadu.

Golaha deegaanka Oodweyne oo imika muddo xiloodkoodii gabaabsi yahay ayaa ah kuwo ku guuldarreysatay xilkii ay bulshada u hayeen, kuwaas oo lagu xasuusan doono in ay ahaayeen kuwo daanka dhaafsaday dantii guud u na go’ay dan daarted, waa se cashar ay bulshadu wax ka baratay oo u dhinnaa. Ka gudub.

 

Haddaba waxa maanta bulshada Oodweyne horyaal talo aan mar danbe gamcooda soo galin doonin oo ah in ay maanta ka fiirsadaan cidda ay u dooranayaan in golaha geeyaan. Waa arrin mudan in qiimo gaar ah iyo ka fiirsasho gaar ah in ay siiyaan, kana baraan degaan cidda ay doorayaan ee ay u cumaamadayaan. Wuxuu na arrinku isugu soo biyoshubanayaan su’aal ah: yaa idin hoggaamin kara? Jawaabtu se waxa aan filayaa in noqon karto Musharrax Sayid Qayre Cabdillaahi Awdaahir oo kale ayaa maanta bulshada hoggaamin kara. Sabab? Sababta oo ah  ka sokow in uu yahay ruux dhallinyaro ah oo firfircoon, waa in uu yahay qof aqoon u leh hawlaha shaqo ee Dawladaha  hoose, waa inuu yahay qof daacad u ah shaqadiisa iyo bulshadiisa, waa in uu yahay qof aamin ah oo lagu kalsoonaan karo, waa in uu ayahay qof hawlkar ah oo waajibaadkiisa ka soo bixi kara, waa in uu yahay qof danyarta u roon u na dooda mar kasta, taas oo inta aan anigu aqaannay ahaa daryeele iyo maati daadiheeye aan ka daalin daanta guud. Waxaanan odhan karaa Sayid Qayre waxa uu tusaale nool u yahay cidda ay tahay in maanta la doorto. Dabcan waa tusaale. Haa, waa tusaale.

 

Musharraxa Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne Mudane Sayid Qayrre Cabdillaahi waxaan ku hanbalyeynayaa kuna taageerayaa in uu doorkan rabo in uu u tartamo Golahaas, isaga oo raba in uu aqoontiisa iyo awooddiisaba uu adeego bulshadiisa baylahsan. Waxaanan leeyahay Musharraxa waa hubaal in aad guul ka gaadhi doonto hammigaaga ee adna hore i noo wad anana hareerahaaga naga eeg. Sida iyo guul ballaadhan ayaan kuu rajeynayaa Jaalle.

 

Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker