Somaliland: Muddo Kordhis iyo Dib u Dhac Waxay Noqdeen Arrimo Caadi Ah

Guddiga Doorashooyinka Somaliland  (NEC) iyo dhamaan xukuumadaha kala duwan ee dalka soo maray waxaad moodaa in ay ka dhigteen muddo kordhis iyo dib u dhac wax caadi ah.
 
 
Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deggeenada ee la filayey in la qabto bisha seddexaad ee sannadka soo socda, oo laga yaabo in dib loo dhigo, waa in la qabto.
 
 
NEC xilligan fadhiya oo uu saxiibkay Siciid Cali Muuse, ka yahay af-hayeen, wax alaale wax kale oo loo xil saaray ma jirto. Ma aha wasaarad, wakaalad, ha’ayad, maxkamad, iskuul, jaamacid, ciidan, ama qayb kale oo ka mid ah laamaha dawlada.
 
 
Xilkoodu waxa kaliya uu yahay, waa qabanqaabinta, maamulka iyo hirgelinta doorashooyinka golaha deggaanadda, wakiilada iyo ta madaxweynaha. Wax kale oo loo diray ma jiraan.
 
 
Markaa siday ku dhacdaa, maanta oo misaaniyad ahaan dalku taagan yahay Al-xamdullilah, oo la haya farsamo aan waddamada kale ee Afrika laga isticmaalin iyo ummada hiil iyo xoogba la barbar taagan, in dib loo dhigo doorashooyinka?
 
 
Markuu dalku iska liitay, ee aan waxba la isla hayn, ee siduu nin berri yidhi “beerka loo jiifay”, ayaa doorashooyin la qaban jiray. Madaxweynihii hore, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”, siddeetan (80) cod, ayuu ku qancay!  Khali Wali!
 
 
Haddii guddiga NEC ee maanta fadhiya ay doorashooyinka laba sannadood ka hor lagu heshiish laga gaadhay in la qabto, ay qaban kari waayaan, dee, ha iska rawaxaan. Somaliland ma weydo khuburo hawshaa qaban kara.
 
 
Muddo kordhis iyo dib u dhac, waa wax la iska caadiyaystay Somaliland. “Waar muddo ii kordhi”. “Waar dib iigu dhig”. Waxaad maanta qaban kartid maanta, maxaad berri ugu dhigan?
 
 
Waddamada hore u maray waxay badaanaa ku sheegaan dalalka soo koraya, musuq-maasuq iyo wahsi, “corruption & idleness”. Weynu ka xanaaqnaa “stereotype” kaas oo kale. Run ahaantiina Somaliland waxay soo qabsatay 30kii sannadood ee ina soo dhaafay, cid gaadhasaa way iska yar tahay.
 
 
Lakiin, waxaad moodaa dadka dalku xilka u dhiibtay wakhtigan xaadirka ah in ay noqdeen qaar wahsi badan oo kursi jacayl hayo.
 
 
Musuq-maasuqa iyo wahsigu waa waxyaabaha dal iyo dadba burburiya. Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu yidhi “handaraab” baan ku qabanayaa maaliyada dawladda “public spending” anigu waxaan odhan lahaa “quful ku xidh”, asxaabtan NEC iyo Golaha Wakiiladana ka soo hurguf meesha.
 
Allaa Mahad Leh
 
 
Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker