” Abyi Ahmed ma ka faa’ideysan kara khaladaadki Gorbachev u ku burburey Soviet Union ? ”

Ethiopia iyo Ruusku waxey wadaagaan sifooyin badan :

Ethiopia taariikhdeeda marnaba kumey dhaqmin nidaam dimuqraadi ah, waayo waxa xunka heystey boqortooyo guun ah oo ku dhaqanta diinta Christian Orthodox laakiin waxa 1974 xunka ka tuure kacdoon military ( Derg ) oo aaminsana mabda’a shuuciga ee lininism-marxism oo dhiig badan ku daatey boqorki Haile Selassie iyo qaar qoyskisana xabsiga lagu diley ( xigasho, maxkamadda Ethiopia 1994 ). Waxa kalo la khaarijey madaxi golaha kacaanka( Derg ) general Aman Andom iyo saraakil badan( xigasho, Nazaret.com ) , madaxtinimadina Ethiopia waxa qabsadey nin adag oo 35 jir ah oo la yidha Mengisto Xaille Maryam ( Gaanshaale ).

Madaxweyne Mengisto Xaille Maryam wuxu isu dalacsiyey gaashaanle sare ( Colonel ) wuxuna la wareegey ( Qarameeyey ) hantidi gaar ka loo laha waxaanu xoojeyey xidhiidhka siyaasi, diblumaasi, military ee dawladda Soviet Union waxaanu dhabarka ujeediyey dawladaha reer galbeed ee weligood Ethiopia xidhiidhka qotada dheer la laheyd. Ciddi ku mucaaridana, dhegta dhiig u darey.

,Dagaalki Somalia iyo Ethiopia 1977, Xaille Maryam wuxu ka heley dawladaha Soviet Union, Cuba, South Yemen iyo Isreal ( xigasho, Wikipedia, The Ogaden war ) gargaar military, dhaqaale iyo ciidan oo guusha u horseedey.
1991, markey dawladdi Soviet Union burburtey aya Mengesto waayey taageeradi dhaqaale, siyaasi iyo military ee u ka heli jirey, taaso u fudeydisey isbaheysigi jabhadaha EPRDF ( Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front oo hormood u aheyd Tigre People’s Liberation Front ‘’TPLF’ ) iyo EPLF ( Eritrea People’s Liberation Front ) iney EPRDF oo u hoggaaminaayo mudane Meles Zenawi Ethiopia qabsato, halka EPLF oo u hoggaaminaayo Asiasi Afworki. Eritrea qabsato, Mengeste na Zambabwe u baxsado..

Inkasto EPRDF marki halganka ku jirtey aaminsaneyd mabda’a Marxism-Lininism, laakiin marku Soviet Union ki burburey xunkina qabsatey waxey dantu ku kaliftey in mudane Meles Zenawi dhaqaalihi dib u furfuro oo hantidi gaar aheyd dib ugu celiyo dadki laha kuna guuleystey innu soo jiito maal gashi caalaami ah. Taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah, dawladaha dhaqaalaheeda ugu koritaanka weyn adduunka, celcelis ahaan 10% GDP ( Source: Trading Economic. Com ( National Bank of Ethiopia ) )

Mudane Meles wuxu dhisey ciidan xoog badan taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu awoodda badan waxaanu ka guuleystey Eritrea dagaalka muranku ka dhashey mandaqadda Badme 1998-2000 oo boqolaal kun dad ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen iyo maxaakimta Somalia oo ilaa Xamar ciidamada Ethiopian gaadheen.

Inkasto mudane Meles gaadhsiyey Ethiopia horumar dhaqaale oo weyn laakiin may jirin horumar siyaasadeed sida dimuqraadiyadda iyo xoriyat qawlka oo waxey EPRDF ku guuleysan jirtey doorashada 99% .
Haddaba marku dhintey mudane Meles Zenawi, qorshuhu wuxu u dhacey sidu ugu tala galey oo waxa hoggaanki EPRDF la wareegey kuxigeenkisi mudane Hailemariam Desalegn kaaso madax ka aha xisbiga SEPDF ( Southern Ethiopia People’s Democratic Front ) ee ku jira isbaheysiga EPRDF.

Waxa muddo dheer isa soo taraayey saluuga labada xisbi OPDO ( Oromo People’s Democratic Front ) iyo ANDM ( Amhara National Democratic Movement ) ay saluugsanayeen qaabka loo qeybiyo kheyraadka iyo shaqooyinka sar sare ee dalka iyago ka mid ah isbaheysiga EPRDF kana soo jeeda labada qawmiyadooda ee ugu tiro badan Ethiopia ( xigasho, Paulos Milkisa, Ethiopia, The TPLF and Roots of 2001 Political Tremor ), dareenkaaso ugu dambeynti hoos u dhaadhacey oo shacabki labada qawmiyadood ka abaabuleen Addisababa iyo degaanadooda kacdoonno iyo bannaan baxyo isdeba joog ah oo dad badan ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen, kumanaan kun na xabsiga loo taxaabey.

La soco qeybaha kale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker