Ogaysiis Muhiima: Rugta Ganacsiga Somaliland Waxay Bulshada iyo Ganacsatadaba Ku Wargalinaysaa Inay Qabanayso Carwadii Caalamiga ahayd ee 8’aad,  9-15 December 2018

Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland, waxa ay Bulshada iyo Ganacsatada reer Somaliland ugu bushaaraynaysaa inay qabanayso Carwadii Caalamiga ahayd ee 8’aad,

Carwadan oo lagu dhiirigalinaayo Wax-soosaarka dalka ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa, Adeegyada Guud ee Ganacsiga dalka, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha Nool , Wershadaha iyo Kaluumaysiga,

Carwadan ayaa waxa ay Rugta Ganacsigu Abaal-marino ku gudoonsiin-doontaaaa Ganacsatada ku guulaysata Xulashada Abaal-marinta Ganacsiga

Hadaba Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay Bulshada ugu bushaaraynaysaa inay kasoo qayb-galaan Bandhigyada Carwada 8’aad ee Caalamiga ah oo Lagu Qabandoono Guuleed Hotel Hargeysa, 9 ilaa 15 Dec 2018

Dhinaca kale Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay ku wargalinaysaa Ganacsatada ka qayb-qaadanaysa Bandhiga Carwadan Caalamiga ah ee 8’aad in Is Diiwaangalinta Boosaaska   Carwadu xidhmidoonto 30 November 2018,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker