Muuse Biixi Beeshisa ayaanu Kalsooni ka haysan

Dhamaan Shacabka Somaliland waan salaamayaa.
 Baryahan waxaa Bulshada Somaliland iyo Dadka afsoomaaliga ku hadlaa ka sheekaysanayeen, cadaalada xumada muuse biixi, iyo beeshiisa.
 
Aan Laba u kala Qaado Beesha Muuse Biixi Waa isku hayb, waana kala hayb? waayo tolow? aan idiin sharaxo, muuse biixi  sadbuursiga uu siiyay beeshiisa, kama aha qabyaalad, ee waxay ka tahay ceeb ka fogow, maanta hadii uu beeshiisa Qadin lahaa, waxay noqon lahaayeen kuwo marwalba TV ga taagan taayiro Gubaya, salacalee iyo cali guray ,qayladooda caruurta somaliland habeenkii  ku sasi-lahaayeen, maxamed xaashi oo kaneeco ku dhacdaad saxaafada ku arki lahayd oo  latukubinayo, Qormadii A_Z ku dhamaan jirtay ee Boobe Yuusuf ayaa sida Siigadii Burco Samada isku shareeri lahayd.
 
Wuxuu Ogyahay Muuse Biixi Dhibaatadii ay Beeshiisu Siilaanyo Ku haysay, oo uu goob-joog u ahaa, si uu ugu cimro qaato, ayuu u sameeyay sedbursi, taasi waxay xaqiijinaysaa in aanu Kalsooni ku qabin Muuse Biixi Beeshiisa, waana arinka biyo kama dhibcaanka ah ee Reer Somaliland aanay fahansanayn.
 
Maxaa Talo ah markaas, waxaan soo jeedin lahaa in Muuse Biixi iyo Beeshiisa la dhexdhexaadiyo, oo lagu qanciyo madaxwaynuhu waa ceeb ka carar ee Bilaa Caleek 7 sano ayaad Seedigiin Siilaanyo kaladhka haysateen, oo uu idinka Suxuuran kari waayee, ninkan Sanadkii uu joogayba Stress ka ku dhamaystay Culayska ka dulqaada. si uu umadda ugu cadaalad sameeyo.
 
waxaan ku soo koobayaa muuse biixi belo ayuu inaga hayaaye, nin walowba harag sakaaro ku seexo, oo u hanee walaaladaa.
Mujaahid Suufi
minneapolis MN
awbidaar@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker