Fariin ku socota Madaxweynaha

Ururka u Dooda Xuquuqda Beelaha la Hayb-sooco oo Ku Eedeeyey Masuuliyiinta Barnaamijka Shaqo Qaran Inay ka Takooreen Saamigoodii iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Baaq Qaylo dhaan ah u Direen
War-saxaafadeed Ururka Vosomwo ee u Dooda Xuquuqda Bulshada la Takooro ee Gabooye, waxa uu Cod dheer ku Cambaaraynaya Barnaamijka shaqo qaran, ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday, kaasoo ay sheegeen inay 1500 Qof oo Loo Samaynayo Shaqo Qaran.
Masuuliyiinta uu Barnaamijkan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi u wakiishay, waxay dhowaan qudh iyo Maan u qaybiyeen 1500, ee Muwaadin, kuwasoo ku saleeyey hab-saamiyeed Gobolaysan, isla markaana waxay usii Kala qaybiyeen oo ay gaar u qoondeeyeen xuquuqda dadka Naafada ah iyo sidoo kale tan Haweenka oo ay gobol-gobol isu dul-taageen tirada ay ku yeelanayaan. Tallaabada kootada Haweenka iyo naafada ee looga qoondeeyey Barnaamijka shaqo qaran, ugu horeyn wuu soo dhoweynayaa Ururka Vosomwo ee u dooda xuquuqda Beelaha la duudsiyey.
Hase-yeeshee Wuxuu Ururku Cod-dheer ku Cambaareynaya halkay ku ilaaween kooxdan masuuliyiinta looga dhigay Barnaamijkani la mareen xuquuqdii Beelaha Gabooye, iyagoo masuuliyiinta Barnaamijkani bulshada Gabooye kula kaceen Gabood-fal ka baxsan Bini-aadanimada iyo xuquuqal insaanka, waxanu ururku ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiinta hawlahani khuseeyan inay degdeg Bulshada gabooye saamigoodii gobol-gobol usoo siiyaan, isla markaana si cad u ummadda ugu sheegan.
Sidoo kale, Ururka Vosomwo, waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse ugu baaqayaa inay ka badho jidkii cunsuyadda ee Xukuumadihii ka horeeyey ku hayeen bulshada gabooye, oo laga Takooray Xuquuqahoodii aas-aasiga ahaa ee ay Kala sinnaayeen muwaadiniinta kale ee Somalilanderka ah. Kuwasoo ku takooray qalinka Madaxweynenimo in Xukuumada laga siiyo saamiyadoodii iyo in golayaasha qaranka ka madhnaadan, sidoo kale waxa iyanna cajaa’ibba ah in xataa shaqaale hoosaadka dawlada laga takooray Bulshada Gabooye. Iyadoo ay jiraan dad aqoonyahano ah oo kasoo jeeda bulshadan la isir Takooray, ayaa haddana waxa marar badan dhacday in iyagoo kusoo baxay Imtixaanaad laga saaro dadka helay shaqooyinka dawlada ama waxbarashada deeqaha dibada.
Sidaas daraadeed mudane Madaxweyne waxanu kugu baaqaynayaa inaad hormuud tusaale ah ka noqoto, sidii Bulshadan Gabooye ee sidii loo Takooraayey nuglaatay aad ka saarto, isla markaana meel cad iska dhigto xuquuqdooda shaqo qaran, Masuuliyiinta dawlada, shaqaalaha  kale Xukuumada iyo mashruuc kastoo muddo xileedkaaga aad fuliso, waxanu kaa Codsanaynaa inaad Kooto Tiro go’an ugu xidho Bulshada Gabooye.
Waxa kaloo mudane Madaxweyne Ururku kaa Codsanayaa inaad daba-gasho oo aad sii xoojiso Kootadii hore aad u saxeexday ee qoondada golaha Wakiilada, walow tiradu yarayd, hadana urur ahaan waanu kugu ayidsanayn.
Mudane Madaxweyne Addaamuhuu ka meel kastoo uu dunida kaga sugan yihiin, waxa laga baxay gumaysigii, jinsi iyo midooda midab takoor noocu doono ha noqdee, marka laga reebo dadka soomaliyeed oo iyaggu leh caado xun oo ay ku faquuqan bulshada kamid ah, kuwasoo ah umaddaha Gabooye, ayaa haddana waxa la filaayey in laga koro dhaqanka noocaas ah oo casrigan aynu joogno lala talaabsado, oo xukuumadduhuu gadh-wadeen ka noqdaan adiguna ay haboon tahay inaad tusaalaha Taarikhda gala noqoto, taasoo Ilahayna kugu gargaari doono hadaad dumiso darbi umadd lagu Dulmiyey xuquuqdoodii.
Ugu Dambayn, waxanu Mudane Madaxweyne adiga iyo masuuliyiintaada Barnaamijka shaqo qaran gacanta ku haysa, waxanu idinka Codsanaynaa inaad tiro go’an gobol walba ka siisan Bulshada Beelaha Gabooye. Filasho wacan baanay idinka eegayaan Beelaha Gabooye iyo jawaab Deg-deg ah.
Halkan hoose waxa uu Ururku bulshada Diinta, cadaalada iyo xuquuqda Bini-aadanimada taqaan kula wadaagaysa shaxda aanu ka cabanayno ee Takoorka ah, ee Barnaamijka Shaqo qaran, annagoo filayna inaydun ka garaabi-doontan Insha Alla.
1. Saamiga Gobalka Maroodi-jeex
    253 wiil, 117 gabdhod, 20 nafo ah = 390
2. Saamiga Gobolka Togdheer
    136 wiil, 63 gabdhood, 11 naafo ah = 210
3. Saamiga Gobolka saaxil
    71 wiil, 33 gabdhood, 6 nafo ah = 110
4. Saamiga Gobolka Sanaag
    214 wiil, 99 gabdhood, 17 nafo ah = 330
5. Saamiga Gobolka Sool
    156 wiil, 72 gabdhood, 12 nafo ah = 240
6. Saamiga Gobolka Awdal
   154 wiil, 50 gabdhood, 14 naafo ah= 220
VOSOMWO’s Head Office, located 1st Floor Dalwanaaje Building, Hargeisa Somalilan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker