Tirada Dadka Ku Dhintay Dabka Gobolka California Oo Korodhay.

Tirada dadka ku dhintay laba dab oo ka ololaya Koofurta iyo Waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa gaartay 66 qof.

Saraakiisha gobolka ayaa ku warranay in Khamiisti shalay la helay meydadka 7 ruux oo hor leh, waxaana aad looga baqayaa in tirada dhimashada ay sii kororto maadaama wali la la’yahay boqolaal qof.

Khubarrada ayaa sheegaya in dabka sannadkaan ka socoda California laga yaabo inuu noqdo mid ka mid ah kuwi ugu xumaa ee soo mara gobolka, iyadoo eedda dabka la saarayo isbadalka cimiladda iyo kororka dadka.

Jennifer Balch, oo madax ka ah Sheybaarka Dhulka ee jaamacadda Colorado Boulder, ayaa sheegtay in shan jeer uu ka badanyahay baaxadda dabka Galbeedka Mareykanka marka loo fiiriyo sannadihii toddobaatanaadkii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker