SIYAASIINTA SOMALILAND IYAGAA DHIRI GALINAAYA CADOWGA SOMALILAND.

Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaan dadweynaha reer somaliland guud ahaanba.

Ka dib waxaan doonayaa in aan dadweynaha la wadaago fikirkayga aan ka qabo qaabka iyo sida ay u socdaan mucaaridka iyo siyaasiinta reer somaliland.

Arinta aadka loola yaaban yahey waxa aan la arag dad sheeganaaya wax garad iyo hogaamiyaal siyaasadeed oon fahansaneyn waxa ay ku hadlayaan ee waliba ay marinayaan warbaahinta.

Waxaan uga socdaa somaliland waa dal ay dhisteen shacabka reer somaliland waxayna doonayaan maalin ay noqotaba in ay gaadhaan hadafkooda, hada waynu la soconaa somaliland in aaney wali helin aqoonsi caalamiya taasina macnaheedu maaha somaliland halkaasi ha isku taagto ama halagag tago ee wali waa howl iyo shaqo loo baahan yahey in la sii wado.

Intaasi ka dib somaliland cadowgeedu waa xukumada. Xamar ka dhisan anigu dowlad somaliyeed ku sheegimàyo ee waa koox iyadu magacii somaliyeed isku magacowday ayan odhanayaa.

Waxaad arkaysaa siyaasiin sheegta mucaarid iyo xisbiyo ,aqoonyahano iyo waliba warbaahinta reer somaliland oo si xaddhaaf ah u buunbuuniya wararka dacàayadaha. Kooxda xamar fadhida waliba waxay had iyo jeer baraha warbàhinta reer somaliland ku bi bilaabaan madaxweynaha somaliya iyo raysalwasaraha somaliya iyo somaliland ayaa aduunkii laga soo xidhxidhay, siyaasada caynkaasi ah iyo warbaahinta caynkaasi ahi waxaa la odhankaraa waa kuwo hiil u ah cadowga somaliland waana kuwo qalbi jab ku ah dadka reer somaliland.

Ugu danbeyn waxaan fariin u diryayaa dadka reer somaliland, ku wax qora iyo mid wax akhiryaba, cadowgaagu xitaa haduu guulaysto lama sheego lamana dhiiri galiyo, waxaa waajib ku ah qofkastaa in uu ilaashado dadkiisa iyo dalkiisa mana ah in aad qof neceb jiritaankaaga dad iyo dal ahaanba aad ka sheekayso ood waliba warbaahinta u mariso hadalo isga guul u ah dhiiri galina u ah dadkaagana dhaawac iyo qalbi jab ku ah.

Akhriste iyo qoreba waxaan ka codsanayaa in ay ka fiirsadaan waxa ay leeyahiin ooy kala saaraan mucaarada xukunka markaasi jira iyo jiritaanka ummada iyo dalka
, oo aaney iyagu noqon idaacad ku hadasha afka cadowga dalkan iyo dadkan leeyahey oo ah kuwa maanta. Eritrea iyo Itoobiya ka dhiganaya. Walaalo somaliland la doonaaya dumin.

Waadmahadsantahiin.

Qore: Tahir hussein.

Uk. London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker