Shir Urur Gobolleedka IGAD Maanta Uga Furmaya Magaalada Addis Ababa.

Addis-ababa-(OWN)-Wasiirro arrimo dibaddeedka ku jiray Urur gobolleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka looga wada hadli doono heshiiska dowladda iyo Mucaaradka Koonfur Sudan iyo xaalada Soomaaliya.

“Shirka waxaa looga wada hadlayaa Qorshaha Heshiiska Dib-u-heshiisiinta ee Heshiiska Khilaafka Koonfurta Sudan iyo horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD shalay.

Gaar ahaan Wasiirrada ayaa ka wada hadli doono qorshaha amniga magaalada Jubba ka hor inta uusan halkaa ku laaban hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Mr Machar oo dalka isaga cararay bilowgii bishii July sanadkii 2016ka.

Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Axmed Cawad Ciise oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wadamada Geeska Afrika ayaa hada waxaa ka soconaya horumar weyn, kaasi oo ku aadan in heshiisyo dhowr ah ay kala Saxiixdeen dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker