Mareykanka Oo Cunaqabateyn Saaray Shaqsiyaad Sacuudiyaan Ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi.

“Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin.

Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq.

Warkan ayaa ahaa mid yaab leh, sababtoo ah Mareykanka inta badan sooma rogo xayiraad ka dhan ah Scauudiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker