Kulan Looga Hadlayo Colaada U Dhaxeysa Soomaalida Iyo Oromada Oo Ka Dhacaya Magaalada Addis Ababa.

Addis-ababa-(OWN)-Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan dowlada degaanka Oromia iyo dowlada dhexe ee Fedaraalka Itoobiya.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa isku dhacyada u dhaxeeya soomaalida Iyo Oromada ee ka taagan xadka labada gobol ay wadaagaan oo bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar uu wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ka barakacay magaalada Moyale colaadii ka dhacday.

Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa bilihii la soo dhaafay dhankeeda baaqyo is daba joog ah ka soo saareysay arintaan waxaana la ogeyn waxa ay ka badali doonto kulamada uu madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya uu la yeelan doono hogaamiye yaasha gobolka Oromia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker