ISKA NOOLA YAAL

Iska noolayaal

KEENE IYO KORDHIYE

Keene.waaryaa kordhiye saaxiib saaxiib manta in badan baan qoslay

Waxaan daawaday qaar la yidhaa iska noolayaal oo lakala wareegaya

Xilal loo magacaabay waa qaar kolba meel la geeyo oo aan waxba

Diidin kuwa noocaasa eeaan iyaga loo oggolayn inay aqoontooda

Wax ku wadaan ee loo dhiibo waxa uu qabanayo.

Kordhiye. Saaxiib aan kuu kordhiyee iska noolayaasha lama eryo

Weligoodba waa shaqaale xataa isagoo wasiira haddii waashmaan

Loo bedelo way qabanayaan waa in noocaasa oo farabadan

Badanaana waxa loo dhiibaa meelaha dhaqaaluu ka soo baxo

Sababtoo ah si sharci darro ah ayyaa looga guranayaa iyagan

Fara guud kood ayaa loo laabayaa

Magaranayaan masuuliyad baa ku saran

Ma garanayaan qofbaad tahay damiir le

Magaranayaan waxani waa booli qaran

Magaranayaan xaaraantan caruurta ka daaso

Ma garanayaa dalkani wixii uu soo maray

Ma garanayaan waxaad xadaysaa jeebkaaga

Ma garanayaan waad dhimanaysaa

Ma garanayaan maxaa laga dagaalamay

Ma garanayaan maxay udhinteen mujaahidiinti

Mamamamamamamamamamamamama

 

Guuleed liibaan  snm1710@livecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker