Filanwaa Sheeko Jacayl Qaybtii 9aad W/Q: Yaasiin xasan….

Toddobaad kaddib waxay Maxamed u dirtay gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo la yidhaahdo Sagal, si ay usoo ogaato waxa uu Maxamed aaminsanyahay, iyo halka uu ka taaganyahay xidhiidhii labadooda ka dhaxeeyay ee muddada hakadku galay.

Sagal markii ay Maxamed la ku lantay waxay kala hadashay arrimo xaasaasiya, ku waasoo u badnaa waxyaabihii dhacay iyo haddalada ku tidhi ku teenka ah ee dadka qaar ka faafiyeen Canab.

Sidoo kale Sagal waxay ka codsatay Maxamed in uu iska ilaawo wixii dhacay, isla markaana ilaaliyo walaaltinimadii qotada dheerayd ee muddada badan soo jirtay,waxay ku dheeraatay in ayna Canab hadda iyo mar hore toona ayna raali ka ahayn ninkii loo guuriyay, mar walbana ay ka xuntahay dhibaatadii ku soo gaadhay, inkastoo ayna usheegin in Canab la furay oo ay madax banaantahay, haddana haddaladeeda ayuu ka dhadhansanayay inay wax badani isbadaleen, sifiican ayay waxwalba ugu qeexday,balse Maxamed kuma qancin hadalkeeda, wuxuu ku yidhi:

“lagama yaabo inaan kaa aqbalo hagardaamadii ay Canab ii gaysatay  inaad ka dhigto wax iska basiida, isla markaana dhibaatadii sida ula kaca ah Canab ugu badheedhay in dad kale dusha laga saaro” dood dheer kaddib Maxamed waxa uu Sagal u sheegay in uuna haba yaraate aqbalayn in wax damboo arrina ay isugu yimaadaan isaga Canab.

Kulankaas kaddib, Sagal waxay u sheegtay saaxiibteed Canab waxyaabihii ay kala kulantay Maxamed fadhigii ay wada yeesheen, waxay tidhi: “ qalbiga Maxamed waxaa saldhigtay Jacaylka uu kuu qabo oo aad u weyn, balse waxaa ka sokeeya tabasho badan, wuxuu tirsanayaa godob aan la koobi Karin, wuxuu ii sheegay arrimo murugo badan dhaxalsiiyay oo runtii aniga laftayda dareenkayga gilgilay, wuxuu yidhi Maxamed:

 “cidlo ayay igaga dhaqaaqday, waliba way iga qarisay arrinta guurkeeda anagoo wada kulanay maalin ka hor galbiskii arooskeeda” waxay intaa u raacisay, Maxamed markii uu maqlay guurkeeda inuu la kulmay dhibaato aan la sookoobi Karin, ilaa heer uu ku dhawaado inuu waasho, sidaa darteed ay adagtahay  sida Maxamed lagu qanciyo.

Canab oo aad uga xun wixii dhacay ayaa saaxiibteed Sagal ku tidhi: “Walaalo maxaan sameeyaa waad ogtahay Maxamed si xad-dhaafa ah ayaan u jeclahay isaguna sidaa ayuu u hadlayaa, waa kaaf iyo kali dheeri, laakin dhib malahaan waa iska xaal adduun, inkastoo taladu I seegtay oo cabsi awgeed aan waxaan u sameeyay, haddana waxaa habboonayd inaan maalintuu guriga iigu yimid aan  wax walba u sheego, balse way dhacday, waana amar illaahay, sidaa darteed  hadda waxaan u ahay diyaar wax walba oo khalada oo dhacay inaan dusha saarto, dabcan ma garanayo wax intaa ka badan oon u samayn lahaa Maxamed.

Canab arrintaasi quus ayay kusii abuurtay, sidoo kale qorshihii ay damacsanayd wax badan ayaa iska badalay oo caqabado ayna filayn ayaa soo mudh baxay, waxaa intaa u sii dheer dhago hadal iyo dhaleeceen ay kala kulantay qaar ka mida asxaabteeda oo ku eedeeyay in jacaylkii Maxamed ay ka dooratay nin lacag leh, markii lagu dan gaadhayna la soo furay, waxaa sidoo kale soo wajahay rajo xumo dhanka Maxamed ah oo haba yaraate wax kalsooni ah u hayn.

Waxaa horay loo yidhi qof qoyan biyo iskama dhowro, Canab waxay marlabaad go’aansatay in ayna ka tanaasulin jacaylka ay Maxamed u qabto, marxalad kasta iyo meel walbana ay umarto sidii ay u meel marin lahayd hammigeeda mustaqbalka ku salaysan, marar kala duwan ayay ku fikirtay inay arrintu ku wanaagsanaan lahayd haddii uu jiri lahaa isgaadhsiin ay ku wada hadlaan iyada iyo Maxamed in wax badani u qabsoomi lahaayeen, maadaama ay ka baqayso inay si fool ka foola u hor fadhiisato.

Nasiib wanaag waxay soo ogaatay in dhawaan Maxamed gurigooda Telefoon layn ah la soo galiyay, dadaal badan kaddib waxay soo heshay Numberka Telefoonka, balse nasiibdaro way ku dhici weyday inay wacdo ama la hadasho, waxay ku calool adkaysatay bal inay raadiso qaab kale oo ku habboon oo ay ku wada hadlaan, kaddib saaxiibteed Sagal ayay mar labaad ka codsatay inay gacan ka siiso sidii ay isugu soo dhaweyn lahayd iyada iyo Maxamed, haddi uu ka ogolaadana ay u wada kulmi lahaayeen si khilaafka iyo madmadowga dhaxdooda yaala xal looga gaadho.

Sagal markii ay Maxamed is arkeen, waxay u sheegtay in mudoo laba toddobaad ka hor Canab la soofuray oo ay hadda madax banaantahay, waxay ka dhawaajisay ujeeddada ay ugu timid inay doonayso inay jawi farxadeed dhaxdooda ka abuurto, islamarkaana danaynayso in dib loo sooceliyo wanaaggi iyo walaaltinimaddi, ugu dambayntii waxay Maxamed ka codsatay si shuruud la’aana inuu uga aqbalo inay wada kulmaan isaga iyo Canab.

Maxamed aad ayuu uga naxay furiinka  Canab la soo furay, waxa uuna yidhi: “waan ka xumahay in walaashay gurigeedu dumo” intaa kaddib waxauu Sagal u sheegay in uuna diyaar u ahayn arrinta ay usoo jeedisay oo ah  in uu Canab la kulmo.

 Waxa uu ku yidhi: “Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Canab anigoo jecel ayay nin iga raacday dhibaatadii isoo martayna ma ahan mid aan halkan ku soo koobi karo, balse nasiib wanaag maanta waan ka soo kabtay, inkastoo ilaa hadda aan dareemayo dhaawacii qalbigayga soo gaadhay, haddana waan ku niyad samahay qaddarka Eebbe, sidaa darteed ma doonayo inaan dib ugu laabto mowjadihii murugada een shalay ka soo gudbay, ma dhacayso oo lagama yaabo inaan Canab la kulmo, waan ogahay Canab waan jeclahay mar walbana qalbigayga kama baxdo, waliba waxaan aaminsanahay inay farxadeydu iyadda ku xidhantahay, laakin nafta ayaan doonayaa inaan Samir iyo adkaysi baro, waxaan rajaynayaa inshaa’alaah inaan heli doono mid aan Canab ku ilaawo”

 Sagal, saaxiibteed ayay kula noqotay waxyaabihi ay Maxamed kala ku lantay, waxay Canab usheegtay in Maxamed si qayaxan u diiday arrimihii ay u bandhigtay, intaa kaddib Canab markay ogaatay in uuna  Maxamed hadda diyaar u ahayn in ay wada kulmaan, waxay go’aan ku gaadhay inay magaalada isaga tagto oo ay ka indho qarsato, dhaga hadalka asxaabeeda iyo dadka warxumo tashiilka ah ee marwalba xanteeda meelahaas la fadhiya.

Kaddib diyaar garow safar dheer ayay qorshaysatay, iyadoon cidna la tashan qofna aan usheegin ayay si dhuumasho ah ugu amba baxday Magaalada Boosaaso ee Gobalka waqooyi Bari, intii ayna bixin ka hor waxay diyaarisay warqad ay ku qortay, arrimo xaasaasiya oo ubadan garnaqsi, cabasho, iyo codsi, kadib boshqad ayay ku riday, inkastoo ayna korkeeda ku xusin cida ay ku socoto warqadu, haddana waxay dusha sare kaga sawirtay wadne falaadhi ku qotonto iyo il murugaysan oo ilin ka gobalaynayso!!!

Intaa ha inoo joogto la soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan

Yaasiinxm114@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker