Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Haldey Cunaqabeyntii Hubka Ee Xalay Laga Qaadey Dalka Eretria.

Muqdisho-(OWN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eritrea.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker