Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, Masuul u Hagar-baxay Horumarinta Dekedda. Qore Saki Saleeban Xasan

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa noqday masuul ilahay ku manaysatay shaqsiyad wanaagsan, isla markaana waxa uu xaliyey mashaakilaad tiro badnaa oo haystay qaybaha Kala duwan ee Dekedda, haday tahay dhinaca shaqaalaha iyo Ganacsatada wax Kala soo dega waxna ka dhoofiya iyo weliba Shirkadda Dp World ee maamusha Dekedda oo is faham wadashaqeynayn iyo isla jaan-qaad horumarineed Kala dhex-dhigay.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu Dekedda Berbera Kala soo dabaashay marxalado xasaasiya, isagoo isku aloosay ama isku dubba-riday inay middeysmaan shaqaalaha iyo shirkada Dp World oo muddo dheer uu ka dhex taagnaa khilaaf sanaadka hor curyaamiyey hanaanka shaqo ee Dekeda.
Ilayo iyo haddana Maareeyaha Dekeddu waxa uu xaliyaa dhibaatooyinka shaqaddu sababto ee maalinlaha ah, waxanad Waagii beryaba arkaysa Maareeye Siciid oo Dp World ka muslaxaaya Shaqaale khilad sameeyey ama shaqo ka joonin lagu sameeyey iyo arrimo kaloo tiro badan. Runtii waxa uu noqday masuul xilka uu qaranka u hayo, masuuliyad ka balaadhan u fuliya, isla markaana daboola galdaloolooyinka shaqo ee soo baxa xilli walba.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, faaidooyinka uu qaranka Somaliland Iyo Dekeda Berbera u qabtay kuma koobna inuu ka baxtiiyey Dab kii khilaafyada ee ku shidnaa. Hase-yeeshee waxa uu dhinaca kale Dekedda gaadhsiiyey muddo sanaad ah gudaheed horumar balaadhan oo aan la qiyaasi Karin oo aanay weligeed gaadhin Dekeddu, waxana Kamid ahaa Taaggii casriga ahaa ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi usoo iibisay Dekedda Berbera, iyo sidoo kale qalabyo uu ku daba galay inay keento Shirkada maamusha Dekedda Berbera ee Dp World, kuwasoo iskugu jiray dhinacyo Kala duwan.
Haddaba isbedelka ku yimi Dekedda Berbera mudada kooban ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi jirtay, waxa waxqabadkan ku suntan Maareeyaha dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Dekedda Kala soo dabaashay mar xalad adag, waxanu noqday maareeyuhu ugu taarikhda wanaagsanaa ee soo Mara maamulka Dekedda, kaddib markii Maareeye Siciid noqday shaqsi Dahab ah oo ay heshay Dekedda Berbera iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, maadaama oo muddo kooban Dekedda kaga soo saaray duruufo lama ilaawaan ahaa oo loogu talo galay in lagula dagaalo Horumarka Dekeddu Ku talaabsanayso maalinba maalinta ka dambaysa.
Maareeyaha Dekedda waxqabadkiisu waa mid sida cadceeda ama dayashax u cad, waxanu caanku yahay Ka warqabka xaaladaha shaqaalaha iyo latashiga inta aqoonta iyo khibrada u leh, horumarinta Hayadda Dekedda, iyo inuu ka fekeraayo sidii dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Dekedda Berbera u kordhi lahaa, iyo weliba mustaqbalka inay Dekedda Berberi la tartanto Dekedda aduunka.
W/Q
Aqoonyahan
Saki Saleeban Xasan
Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker