Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Oo Ku Guuleysto Abaalmarin Caalami Ah.

Hargaysa-(OWN)- Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa Xalay   Lagu Gudoonsiiyay Dalka South Africa Bilada ugu Sareysa Dhinaca Technology-ga ee Qaaradda Africa Ee Sanadkan 2018ka

Waxay aheyd markii u horeysay ee gudoomiyaha shirkada Telesom u Tartamo Abaalmarintan Africacom .

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker