Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Oo Dib Loo Dhigey.

Baydhabo-(OWN)-Doorashada madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa xilliga ay dhaceyso dib loo dhigay,kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfurgalbeed.

Guddiga ayaa isku raacay in la dhamaystiro guddiga doorashada oo horay ay   iska casileen xubno ka mid ahaa, dibna loo dhigo xilliga hodhay loo qorsheeyay doorashada madaxweynaha inay dhacdo ee ahayd 17-ka bishan November.

Sidoo kale, guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfurgalbeed waxa uu shaaciyay waqtiga ay doorashada dhacayso oo la gaadhsiiyay 28-kaa bishan November,iyadoo la dhammeystirayo guddiga doorashada 17 bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah.
Waxa ugu weyne ee beddelay qorshaha doorashada ayaa ah markii dhowaan ay is-casileen xubno ka mid ah guddiga doorashada sidoo kalna uu is casilay Madaxweynihii maamulka Koofurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Koonfurgalbeed qaar ka mid ah ayaa dhankooda horay ugu taliyay in dib doorashada loo dhigo, si loo helo waqti diyaar garow iyo inay dhacdo doorasho cad oo xalaal ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker