Dawladda Itoobiya Ayaa xabsiga dhigtay Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Laanta Sirdoonka.

Addis-ababa-(OWN)-Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Sirdoonka Itoobiya Genaral Yared Zerihun,ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan Itoobiya sida uu xaqiijiyay madaxa ciidamada Berhanu Tsegaye.

Booliska Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixin ujeedada ka danbeysa xadhigaan balse waxaa uu qeyb ka noqonayaa tiro ka tirsan saraakiisha amniga oo xabsiga la dhigay todobaadkan.

Maalinkii Isniinta ayay aheyd markii xaaska sargaalkan xabsiga la dhigay taasi oo booliska ku eedeyeen in ay isku dayday in ay qariso,sida ay ilo ka tirsan booliska u xaqiijyeen wakaalada wararka ee Reuters.

Mr Yared oo horay sidoo kale usoo noqday madaxii ciidamada booliska ayaa waxaa uu iska casilay xilkaas oo loo magacaabay bishii April mudo sadex bil kadib.

Maalin ka hor ayaa dowlada Itoobiya waxay xabsiga dhigtay taliyaha milatariga,kadib markii ay ku dhawaaqday in la beegsan doono madaxda ciidamada ee loo heesto musuq maasuqa iyo tacadi ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker