Cabdirisaaq M Obsiye Oo Shaaciyey Inuu U Sharaxan Yahay Golaha Wakiilada Somaliland.

Stockholm , ( ) — Cabdirisaaq Maxamed Obsiye oo kamida Aqoonyahanka da’da yar ee qurba jooga reer Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee Gobalka Awdal. .

Siyaasiga dhalinyarada ah ee Cabdirisaaq M Obsiye oo kamid ah dhalinyarta aadka u firfircoon ee xisbiga kulmiye ee dalka Sweden oo xilal kaladuwan kasoo qabtay ururada madaxbanaan,

Cabdirisaaq M Obsiye ayaa isu diyaarinaya inuu doorashada Golaha Wakilada ka mid noqodo kadib markii uu la tashaday beelaha uu kasoo jeedo cuqaasha iyo waxgaradka. taas oo laysla qaatay in reer ahaan uu aqoonyahankani noqodo ninka u matalaya shacabkooda doorashada lafilayo inay qabsoonto sanadka 2019.

Cabdirisaaq M Obsiye oo ka mida qurba jooga aadka u firfircoon ee dalka waxbadan kasoo qabtay ayaa la filayaa inuu taageero balaadhan ka heli doono Gobolka Awdal ee u ka soo jeedo.

Dhinaca kale xildhibaanka u taaagan jagada xubinimo ee golaha wakiilada mudane Cabdirisaaq M Obsiye ayaa shacabka u balan qaaday inuu waxweyn ka bedeli doono marxalado badan oo reerka gudahiisa ah,

Waxaanu ilahay ka baryey inuu alle ku guuleeyo musharaxnimadan taas oo buu yidhi aaney igu jirin in gaabsi iyo waxqabsi gaara uu hamigan igu dhaliyey balse, dhibaatooyinka  farabadan ee ka jira golaha sharci dajinta islamarkaana uu kusoo kordhin doono fikir iyo aqoon bulshada loogu adeego,

Waxaanu Musharaxu Shaaca Ka Qaaday Inuu Iska Sharaxi Doono Xisbul Xaakimka Dalka Ee Kulmiye Oo Uu Mudo Badan Ka Mida Ahaa Xilal Kala Duwana Ka Soo Qabtay Qaybtiisa Sweden.

Sikastaba Ha Ahaatee Waxaa La Filayaa In Musharaxan Iyo Musharaxiin Kale Oo Hore U Shaaciyey Hankooda Musharaxnimo Ay Ka Qayb-Qaataan Dhalinyarta Lagu Hanweyn Yahay Inay  Wax Ka Bedel Kusameeyaan Golaha Sharcidajinta Somaliland Oo Ah Rukunada Ugu Muhiisan Ee Qarankan Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker