Warmurtiyeed ku saabsan qoondada beelaha la haybsooco ee doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka

DAAMI YOUTH DEVELOPMENT ORGANIZATION   

Warmurtiyeed ku saabsan qoondada beelaha lahaybsooco ee Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November 2018 magaalada Hargeysa noogu soo gabagaboobay shir noo socday laba maalmood oo aan kaga taashanay xuquuqaha dadka la hayb sooco ee doorashooyinka inagu soo foolka leh. Kulankan oo uu soo agaasimay ururka waddaniga ah ee Daami Youth Development Organization (DYDO) oo la kaashanaya xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay waxaa diirada lagu saaray kor u qaadista ka qaybgalka xuquuqda siyaasadda iyo sidii ay dadka la hayb soocaa uga mid noqon lahaayeen Goleyaasha Qaranka doorashooyinkan soo socda.

Kulanku markii uu dhammaaday waxaa ka soo baxay baaqan:

Annaga oo ku hadlayna magaca dadka la hayb sooco waxan u mahad-celinaynaa saaxiibbada bulshad arayidka ah, Goleyaasha Qaranka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee nagala soo qayb galay shirkan.

Sidoo kale waxan u mahad celinaynaa Madaxwanaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Golahiisa Wasiirada oo 7 June 2018 ansixiyey soo jeedin ah in qoondo gaar ah oo sadex kursi golaha wakiilada laga siiyo dadka la hayb sooco una tartamaan dhexdooda. Haddaba annaga ka duulaynaya qaddiyaadaas waxaanu ugu baaqaynaa:

Madaxwaynaha JSL:

1.     In uu kuraasta qoondada ah ee saddexda ah kordhiyo kana dhigo lix. Taas oo macnaheedu yahay in lixda gobol-doorasho ee Somaliland gobol walba xubin looga qoondooyo beelaha la haybsooco.

2.     In uu Baarlamaanka (Golaha Wakiillada iyo Guurtida) ku boorriyo in ay ansixiyaan kootada lixda kursi ah kana hor tago in Goleyaashu ansixin waayaan sidii dhacday sannadkii 2007-dii, wakhtigaas oo Baarlamaanku si khaldan u fasireen Qodobka 8aad ee Dastuurka iyagoo ku doodday in kootadu ay ka hor imanayso qodobkaas oo ka hadla sinnaanta muwaadiniinta. Waxan aaminsanahay in diidmadii wakhtigaas ee kootada beelaha la haysoocaa ay ahayd mid aan habboonayn. Doorashooyinkii hore axan ka baranay in aanay u suurtoobayn beelaha la haybsoocaa in ay kuraastooda ka helaan baarlamaanka sababo iyo duruufo is biirsaday awgeed.

Baarlamaanka: 

1.     In ay wax-ka-beddel ku sameeyaan xeerarka doorashada si beelaha la haysooco lix kursi looga qoondeeyo Golaha Wakiillada ugu yaraana 12 kursi looga qoondeeyo Goleyaasha Deegaanka.

2.     In ka hor tagaan in la ansixin waayo qoondada beelaha la haybsooco ee Golaha Wakiillada sidii horeba u dhacday.

3.     In ay aqoonsadaan xuquuqda siyaasadeed ee beelaha la hayb-sooco isla markaana ka mid noqdaan kudlada (Caucus) aan u abuurnay in ay riixaan qoondada dadka la hayb sooco si loo helo xuquuqda ka qayb galka siyaasadeed ee dadka la hayb sooco.

Xisbiyada

1.     Waxaa aanu uqu baayanaa sadexda xisbi qaran (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) in ay codkooda ku biiriyaan ansixinta qoondada dadka la hayb sooco kana fogaadeen in ay si uun caqabad ugu noqdaan.

2.     Waxaa aanu uqu baaqaynaa in ay ku soo biiraan kudlada (caucus) golayaasha qaranka ee aanu ugu talo galnay in ay riixaan meel-marinta qoondada dadka la hayb sooco.

3.     Waxaa aanu ugu baaqaynaa in sadexda Xisbi qaran in ay hogaankooda, laamahooda fulinta iyo xoghayaasha ay ka muuqdaan dadka la hayb soocaa si ay qayb uga noqdaan kor u qaadida xuquuqda ka qayb galka siyaasadda ee dadka la haybsooco.

Haddaba, waxaan ku baaqaynaa in qoondadda kuraasta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dadka la haybsoocaa ay noqoto sidan soo socota:

A) Golaha wakiilada

Waxaa aan soo jeedinaya in lix kursi Golaha Wakiillada looga qoondeeyo beelaha la haybsooco iyadoo gobol walba hal kursi loo qoondaynayo sidan soo socota:

1.     Gobolka Awdal- Hal xildhibaan

2.     Gobolka Maroodijeex- Hal Xildhibaan

3.     Gobolka Saaxil- Hal xildhibaan

4.     Gobolka Togdheer- Hal xildhibaan

5.     Gobolka Sool- Hal xildhibaan

6.     Gobolka Sanaag- Hal xildhibaan

B) Golaha Guurtida

Haddii ay xildhibaannada Golaha Guurtidu ku imanayaan doorasho, waxan codsanaynaa in beelaha la haybsooco lix kursi loo qoondooyeo. Haddiise la soo xulayo waxan soo jeedinaynaa in beelaha la haybsooco loo qoondeeyo 3 kursi.

C)  Goolayasha Deegaanka

Iyada oo laga duulayo khibrada iyo waayo aragnimada aynu ka barangay doorashooyinkii hore u dhacay waxaa aanu golayaasha ka codsanaynaa in sidoo kale qoondo gaar ah looga qorsheeyo dadka la hayb sooco golaayasha deegaanka. Somaliland waxa ay leedahay 23 degmo doorasho, waxase doorashooyinku ay si toos ah uga dhacaan 21 ka mid ah. Sidaas daraadeed waxaa aanu soo jeedinaynaa in qoondada dadka la hayb sooco laga dhigo sidan:

1. In ugu yaraan 14 kursi oo 7-da magaalo ee darajada A-da ah looga qoondeeyo beelaha la haybsooco; magaalooyinkaas oo kala ah Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood.

2.

Ugu dambayn, waxaa aanu ugu baaqaynaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada beesha caalamka ee taageera hanaanka doorashooyinka iyo geedisocodka dimuqraadiyadda Somaliland in ay door weyn ka ciyaaraan sidii loo ansixin lahaa qoondooyinka beelaha la haybsooco oo loo Gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland.

Mahadsanidiin,

Magacyada Odayaasha iyo Aqooyahanka soo saaray warmurtiyeedka 

1.     MaxamUud Abdi Ismail, Agaasimaha ururka DYDO—————————-

2.     Suldaan Nasir Suldan Abdi———————————————————–

3.     Caaqil Hasan Bihi——————————————————————-

4.     Caaqil Elmi Egah Salsal————————————————————

5.     Caaqil Abdi Muse Muhumed——————————————————

6. Caaqil Awil Yusuf Ismail ————————————————————- 7. Caaqil Mohamed Abdi Ali ———————————————————— 8. Caaqil Dahir Mohamud Kahin——————————————————–

9.     Caaqil Ismail Mohamud Awfarah—————————————————-

10. Muhyadin Mohamed Abdi (lawyer)————————————————-

11.  Mohamed Jama Ibrahim (Lawyer)———————————————-

12. Khadar Abdi Ismail (scholar)—————————————————–

13. Deeq Burale Adan—————————————————————–

14. Shaqale Dahir Mohamed ————————————————————- 15. Abdirizaq Hussein Harir————————————————————–

16. Jamila Mohamed Sicid (Woman’s group) ——————————————

17. Ayan Abdirahman Osman (Woman’s group) ————————————-

18. Ido Abdi Muse (Woman’s group) ———————————————–

19. Amina Abdi Muse (Woman’s group) ———————————————–

Allah Mahad leh

Dhamaad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker