ISLA WEYNIDA WAHAABIYA

Kolkii ay ka soo shaac baxday wahaabiyadu Xijaaz qarnigii 18aad milaadiga waxay argagax iyo amakaag ku rideen dhammaan dunida islaamka.Waxay ku andacoodeen in dhammaan ummadda muslimiintu gaalowday dhiiggooduna bannaan yahay haddii aysan *toobad* keenin.Waxay kaloo sheegeen qofkii aan usoo haajirin meelaha ay haystaan inuu la mid yahay gaaladii qureysh waqtigii nebigu(NNKA) u haajiray Medina.Dadka waxaa isu qaban weydey inay nimankani cibaadooyinka(salaadda,soonka iwm) u oogayeen si la mid ah dadka intiisakale,laakiin aysan ka gabbanayn dhiigga dadka.Way dhici jirtay in wadaaddu is gaalaysiiyaan marka dooddu kululaato,laakiin lama bannaysan jirin dhiigga dadka si fudud.Inkastoo wahaabiyadu fiqiga ka qaateen Xanbaliyada,waxay soo kordhiyeen labo arrimood;

1)Inay ku adkaysteen in qofkii ka mad-hab duwan uu gaal yahay dhiiggiisuna bannaan yahay,naagahoodana la addoonsado.Waxay calaamad dadka lagu kala sooco ka dhigteen muuqaalka kore sida garka oo lala baxo,marada oo raggu boqonta korkooda aysan ka hoos marin,qamiis iyo indhashareerta dumarka.Qofka la arko in arrimahaas wax ka khaldan yihiin waxaa isla markiiba loo arkay qof laga shakiyo.

2)Inay sheegeen in ladhiso dawlad *islaami* ah,oo iyagu talada hayaan maadaama ay iyaga keliyihi muslimiin yihiin.Dawlad islaami ah waxay u arkaan midda iyagu talada hayaan,ciqaabaha xudduuddana la fuliyo.Haddii tuugga gacanta la gooyo iyaga agtooda waa la buuxiyey shuruudda dawlad tii Alle rabay ah.

Labadan qodob waxay meesha ka saarayaan nooc kasta oo wadahadal ah,natiijaduna waa dagaal aan dhammaad lahayn.

Ninkii aabbaha u ahaa reer Sacuud ayaa fahmay in haddii uu gaashaanbuursado wahaabiyada uu dhul badan ku qabsan karo.Wuxuu la xididay wadaadkii asaasay ururkan,waxaana lagu heshiiyey in isaga boqor noqdo,wixii diinta ku saabsanna loo daayo wahaabiyada.Inkastoo lala dagaallamay,haddana waxay isbahaysigani ku guulaysteen inay boqortooyo ka asaasaan dhulka hadda loo yaqaan Sacuudi Carabiya.Xoogaggii reer galbeedka oo baahi badan u qabay saliidda ayaa islamarkiiba xiriir fiican la samaystay boqortooyada,saliiddiina soo saaray.Lacagtii saliidda waxaa la bilaabay in lagu faafiyo mad-habta ama fikirka wahaabiyada,waxaana magaalooyinka barakaysan laga furay  dugsiyo si degdeg loogu tababaro dhallinyaro laga keenay dhammaan dalalka muslimiinta.Dhallin yaradaas oo ilaa 4 sano lagu soo shubay fikirka wahaabiyada ayaa gogoldhig u noqday faafidda wahaabiyada.Maadaama ay cibaadada kala mid ahaayeen muslimiinta aad loogama shakiyin.Dugsiyadooda iyo masaajidyadoodana looma arag kuwo laga dido.

Mirihii ololahaas faafinta wahaabiyadu maanta ayuu miradhal noqday.Meelaha ay aad ugu fidday ee dunida islaamka waxaa ugu muhiimsan dalalkii faqriga ahaa,ilbaxnimaduna ku cusbayd,sida Soomaaliya,galbeedka Afrika iyo Afgaanistaan.Dalalkaas maanta waxay ku dhow yihiin in laga guuro,waana dalalka ugu badan ee laga qaxayo maanta.Dadka badaha isku tuuraya waxay kasoo carareen dhulalka ururkani sida aadka ah ugu fiday.Gobollada muslimiintu ka degaan Afrikada galbeed waxaa gabaabsiyey ganacsigii iyo nabadgelyadii,taasoo keentay in laga qaxo.Shalay bay ahayd markii dad kor u dhaafay 50 qof lagu laayey Muqdisho,waxayna xasuuqaas u arkaan in Alle loogu dhawaanayo!

Muddadii wahaabiyadu jirtay isbeddello badan oo xagga fikirka ah baa soo maray.Magacii hore ma ay jeclaysan waxayna la baxeen salafiya,qaar badanna waxay arkeen inaan xukunka xoog mutuxan keliya lagu qabsan karin.Waxa ay ku kala duwan yihiin kuwaas iyi Alshabaab waa aaladda loo adeegsanayo in talada lala wareego,laakiin hadafku waa isku mid waana dawlad*islaami*ah.

Isku qaska diinta iyo siyaasaddu waa arrin cusub.Quraanku arrinta siyaasadda wuxuu ku koobayaa wadatashi(Shuuraa)in wax lagu go,aamiyo,caddaaladduna saldhig u tahay.Sida wadatashiga loo agaasimayo,cidda xukunka loo dooranayo iyo siyaasadda guudba waxaa loo daayay in dadyowgu iyagu ka tashadaan,maadaama dadyowgu sida ay u habaysan yihiin,dhaqankooda iyo xaaladahooda guud kala duwan tahay.Islaamku waa diin loogu talagalay bulsho kasta iyo waqti kasta,sidaa awgeed suuragal ma aha in  isku waddo loo maro sida siyaasadda loo maaraynayo.Waana sababta aan Quraanku u xaddidin arrinkan.Nebi Muxammed(NNKH)qudhiisa ayaa lagu amray inuu dadka siyaasadda kala tashado.Nebiguna diin cidna kalama tashanayn,siyaasadduna diin ma aha.Nebigu(NNKH) markii uu u yiillay jirradaii uu darteed u geeriyooday kama dardaarmin sida ay dadku isu xukumayaan,mana magacaabin ciddii ay talada u dhiiban lahaayeen.Sababtu waa taan soo sheegnay oo dad kastaa iyagay jirtaa siday maamulkooda uga tashanayaan.Shardiga keli ahi waa in wadatashi iyo caddaalad gundhig u yihiin.Ma jirto cid gooni loogu qoondeeyey talada am acid laga reebay.Nebigu(NNKH)markii uu Medina yimid wuxuu asaasay bulsho ku dhisan wadatashi,isla markaana qolo kasta la siiyey xorriyadda diinta.Muslimiin,Yuhuud,mushrikiin,munaafiqiin intaba waxaa loo daayey diintooda,danta guud in laga wadatashadana waa la isku raacay.Nebiga waxaa lagu amray inuu dadka siyaasadda kala tashado,ciddii nabad rabtana la nabdo,lana difaaco xorriyadda diinta guud ahaan(Alxajj:40).Sidaa darteed ma jirin cid magaalada ku dhex wareegta oo dadka salaadda ku qasabta ama garkooda cabbirta.Meel loo cararo oo lagu nabad galo bay ahayd Mediina ee ma ahayn meel laga qaxo.Qofkii mutaysta ciqaab si sharciyaysan baa loo xukumayey ee mindi la ruubi meyn isagoo dariiq maraya.Taasi waa siday ahayd markii nebigu(NNKH)noolaa.

Sidii dadyowgii naga horreeyey muslimiintu waxay ukala baxeen mad-habado,dabcan mad-hab kastaana ayadaa isla saxan.Ma jirto qolo xaq u leh inay kuwa kale ku khasabto mad-habteeda.Ilaah waa ogaa in taasi dhici doonto,wuxuuna noo sheegay in meesha lagu kala baxayaa aakhiro tahay ,isagoo qura ah baana dadka kala saarin(Al-ancaam:159).Haddii qof kastaa yiraahdo anaa goaaminaya cidda khaldan waxaa hubaal ah inuu isagu garta isa siinayo.Oo sidee gar u naqaa qof isagu doodda qayb ka ahi?

Haddaba dawladda islaamka ugu dhowi waa tan qof kastaa xorriyad u leeyahay inuu diintuu rabo iyo mad-habtii la saxan qaato,danta guudna laga wada tashado,caddaaladdana lagu dadaalo.

Ninkii doonaya xukun si kale ha u raadsado oo yaan diinta Eebbe lagu wasakhayn.Waa been abuur foolxun in koox ama qof ku andacoodo in Eebbe asaga/iyaga talada u qoondeeyey,kuna bannaysto dhiigga dadka iyo burburinta dalka.

Q:CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

 

Wa Billaahi Tawfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker