Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sheekadii Siyaasiga Iyo Boqorka (Qaybtii 38aad)

Sheeko Siyaasadeedkani Waxay Sal Ku Haysaa Sooyaalka Suugaan Faneedka Carbeed

Barri Hore Ayaa Nin Soo Galay Magaalo Yar Oo Uu Boqor Ka Taliyo Wuxuu  Ku Dhawaaqay Waxaan Ahay Nin Siyaasi Ah Oo Xal u Haya Dhibaha Kala Qabsada Dawladaha Iyo Beelaha Is Haysta

 Waxa Maqlay Boqorkii Oo Fadhiya Gurigiisa Waxaanu Amray In Loo Keeno

Salaan Ka Dib Boqorkii Ayaa Weydiiyay Ma “SAAYIS” Ayaa Tahay “Ninka Barbaariya Fardaha” Ninkii Ayaa Ku Jawaabay Boqorow Anigu Waxaan Sheegtay Siyaasi

Boqorkii Ayaa Amray In U Koriyo Fardihiisa Hadii Uu Diido Inuu Dil Ku Xukuman Yahay

Ninkii Shaqada Uga Horeeyay Ayaa Ninkii Ku Dardaaray In Uu Boqorku Aad U jecelyahay Faraskan Wax Xumaan U Ku Arko Inaanu U Sheegin Boqorka

Boqorkii Ayaa Shaqaalihiisi Amar Ku Siiyay Ninka In Qol Furaash Loo Dhigo Sadexda Wakhtina La Siiyo Bariis Iyo Idaankiisi … Sidaana Ku Shaqo Galo

Ninkii Labaatan Cisho Ka Dib Ayuu Baxsaday

Boqorkii Ayaa Amray In La Soo Qabto Weydiiyay Sababta Ninkii Wuxu Ku Jawaabay Hadii Aad Amaan Galisid Waan Ku Sheegi

Wuxu Ku Yidhi Boqorow Faraskan Aad Jeceshahay Waa Asal Nooca Wanaagsan Ah  Balse Hooyadeed Caano Kamay Jaqin , Boqorkii Ayaa Damcay Inuu Qoorta U Dheereeyo Intuu Hubsanaayo Jeelka Ayuu Dhigay Ninkii

Boqorkii Ninkii Wasiirka U Ahaa Ee Haddiyad Ahaaan Faraska ugu Deeqay Ayuu u Yeedhay

Wasiirow Maxaad Ii Siisay Faras Aan Hooyadeed Jaqin !

Iyo Boqorow I Saamax Hooyadeed Umushii Faraska Ayay Raacday Aniguna Waxaan Lahaa Sac Keliya Markaa Caanihii Saca Ayaan Jaqsiin Jiray

Ninkii Ayaa Jeelka Laga Soo Saaray Boqorkii Ayaa Weydiiyay Sideed U Garatay Inaanay Hooyadeed Jaqin Iyo Boqorow Faraska Asalka Ihi Markuu Calafka Cunaayo Ama Wuu Laacaa Ama Qoorta Ayaa Loo Sudhaa Balse Faraskan Sida Lo,da Ayuu Dooga Ku Foorarsanaayay Oo Uu Daaqaayay Isagaana Raadsan Jiray , Waa Sheeko Taxane ah La Soco ….

Dalkeena Kolba Qof  Cusub Ayaa Saaxada Siyaasadda Taagan Sanadkan HAADBA HAAD KICI  Imika Dhawr Waraeysi Oo Aan U Dhagaystay Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Wixi Hore Sahaalo.

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker