Somaliland mise Subeerland? Halkan ka akhriso qaar ka mida xilalka beesha Subeeriyadu ka hayso Xukuumadda uu wiilkoodu madaxweynaha ka yahay!

Somaliland mise Subeerland? Halkan ka akhriso qaar ka mida xilalka beesha Subeeriyadu ka hayso Xukuumadda uu wiilkoodu madaxweynaha ka yahay!

Beenowday tuhunkii iyo tii aan ismoodsiinay shalay!

Awal horeyto dadka in yar baa ka war-haysay in Somaliland gacanta u gashay beel keliya tan iyo dawladdii Cigaal. Ha yeeshee maantay cid walba u caddaatay … carruur iyo Cirroole, Caamo iyo Caaqil ba.

Waxaa la filayey laakiin in kol hadday Maanta Mindida daabkeeda qabteen, inay wax ka tanaasulaan oo muwaadiniinta kale wax u hanbeeyaan; se noqon weyday oo qeybiyihii ayaa wada qaatay, taas oo ka soo horjeeda dhaqan gobeedkii Soomaaliyeed.

Xilalkan miisaanka leh, waxaa raaca in shaqaala hoosaadka dawladda, ay beeshani u badantay. Waxaa raaca in deegaankoodu afka u dhigtay waddanka intii kale, oo ganacsigii ama aqoonta intii lahayd isugu timi xaafadahooda maadaama halkaas dhaq dhaqaaqii iyo dhaqaalihii dawladdu ku koobnaaday.

Muwaadin bal hoos ka akhriso Xilalka halbowlayaasha ah ee hal qoys wada qaatay, iyadoo weliba Madaxweynihiina iyaga yahay:

. Madaxweynaha
. Wasiirka Maaliyadda
. Taliyaha ciidanka Qaranka
. Guddoomiyaha maxakamadda sare
. Hanti-dhawrka guud
. Garyaqaanka guud
. Maayirka Caasimada
. Maareeyaha dekadda Berbera
. Agaasimaha guud ee Baanka Somaliland
. Agaasimaha Cisbitaalka guud
. Agaasimaha guud ee madaxtooyada
. Xog-haya gaarka ah ee Madaxweynaha
. Xisaabiyaha madaxtooyada
7. Taliyaha madaxtooyada
. Khasnajiga Madaxtooyada
. Taliyaha ciidanka dab-damiska
. Wasiirka warfaafinta
. Wasiirka gaadiidka
. Wasiirka isgaadhsiinta
. Maareeyaha Wakaaladda biyaha
. Agaasimaha guud ee shaqada iyo shaqaalaysiinta
. Agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha
. Agaasimaha guud ee Qorshaynta
. Agaasimaha guud ee Waxbarashada
. Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliiska
. Taliye-ku-xigeenka RRU-da
. Guddoomiyaha gobolka Salal
. Guddoomiyaha gobolka Gebiley
. Safiirka Imaaraadka

Muwaadin bal malee, maxaa loo reebay ummadda intii kale, hadda weliba qabsoo xilalka beeshani haysaa intan kuma dhamma. Somaliland mise Supeeriyadland?

Xigasho: Danajire.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker