Maxaa Ka Fulay Filashadii Madaxweyne Muuse Ee Bulshada , Somaliland Xagee Bay U Socotaa?

Tan iyo maalintii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo doortay Madaxweynenimadda Somaliland ee uu soo dhisay Xukuumad ka kooban saddex iyo labaatan wasiir, Xukuumaddaas oo dad badan oo shacabka reer Somaliland ahi ka muujiyeen dareen keeni kara isbaddel siyaasaddeed iyo mid dhaqaale, oo wakhtigaas xaaladda dalku ay aad uga dayrinayeen.

Shacabka reer Somaliland oo filayey  xubnaha Xukuumadda ee uu  Madaxweyne Muuse Biixi u cugtay inay qabtaan hawlaha qaranka shaqo inay u badnaan doonaan xirfadyahano ku munaasib ah xilka loo dhiibo balse taasi ma dhicin oo   badankoodu waxay u muuqdeen dhalinyaro aan wax khibrad ah u lahayn siyaasadda iyo hawlaha shaqo ee uu madaxweyne Biixi u igmaday.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa bilihii ugu horeeyeyba  walaac ka muujiyey xulashadda wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi sida ay bilaa khibradda iyo waayo aragnimo u lahayn hawlaha qaranka looga baahan yahay inay qabtaan.

Siyaasiinta iyo aqoonyahanadda dalka ayaa badankoodu fikir ahan qabay inaan hadda laga hadli Karin lana malayn Karin khibradda iyo waayo aragnimadda wasiiradda oo ay haboon tahay in wakhti la siiyo.

Sidoo kale Xisbiyadda Mucaaridka ayaa dhinacooda saluug ka muujinayey siyaasadda Xukuumadda ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo dhalinta uu u xushay inay qabtaan hawlaha qaranka, xisbiyaddu waxay inta badan saluug ka muujin jireen wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha, Wasaaraddaahaas oo ay wasiirro ka yihiin mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo mudane Sacad Cali Shire, kuwaas oo ay aad ugu dhaliileen inay shaqadoodii gabeen.

Dhinaca kale siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo bulshadda reer Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse in muddo ah ugu baaqayey inuu wax ka baddel ku sameeyo Xukuumaddiisa oo ay dhaliilayeen jihada iyo mustawaha waddanka, lana jaan qaado isbaddellada ka socda Geeska Afrika, isbaddelladaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eratariya.

Isbaddelladan saddexda dal ay ka wadaan Geeska Afrika ee ay ku heshiiyeen in dal kasta madax bannaanidiisa iyo midnimadiisa lagu xaq dhawro ayaa u muuqda inay carqalad ku noqonayso masiirka iyo masaaliixda Somaliland, sidaas darted ayey bulshadda reer Somaliland Madaxweyne Muuse kula talin jireen inuu Siyaasadda Arrimaha Dibadda Wax ka baddel ku sameeyo oo uu keeno Wasiir wax ka baddelli kara Arrimaha Dibadda oo aqoonteeda iyo waayo arragnimadeeda leh.

Hase yeeshe Madaxweyne Biixi oo sannad ku dhawaad xilka Madaxweynenimo hayey ayaa isku shaandhayntiisii ugu horeysay ee uu soo saaray isbuucan aynu ku jirno, waxa kala haab noqday jidka uu maray iyo filashadii dadweynuhu ka eegayeen in madaxweynuhu codsigoodii tixgeliyo oo uu isbadal ku sameeyo siyaasadda arrimaha dibada.

Muuse Biixi ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah wasiiraddii ay bulshaddu ku dhaliilaysay wax qabad la’aan, kaas oo ah qof weyn oo aan lahayn firfircooni shaqo.

Aqoonyahanadda iyo Siyaasiinta ka faallooda Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa marka aad la sheekaysato ee aad wax ka waydiiso isbedelka siyaasadda ee itoobiya horseedka ka ahayd iyo waxa sababay in ay lumiso   saaxiibtinimadii iyo wada shaqeyntii ka dhaxaysay Somaliland, waxa ay kuugu jawaabayaan in go’doonka siyaasadeed ee Somaliland gashay aanu ahayn mid dhinaca Itoobiya ka yimi balse ay sababaheedu ugu weyn yihiin fadhiiidnimo barriinsatay wasaaraddii qarankan u qaabilsanayd arrimaha khaarijiga, iyadoo taasi jirto ayaa mar labaad shacbigu candhuuftooda dib u liqeen kadib markii ay soo baxday  isku shaandhayntii toddobaadkan ee rejada laga qabay in ay soo noolayso ilayskii siyaasadeed ee arrimaha dibadu, taasoo muujin karta in  ay soo gabagaboowdo  saaxiibtinimadii iyo wada shaqeyntii Somaliland iyo Itoobiya iygo guud ahaanba beesha caalamka, sababta oo ah wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaraddan oo ra’yul caamku ku dhaliilayo inaanu lahayn khibrad shaqo oo dhinaca siyaasadda dibada ah.

 

Waxa loo baahan yahay ayaa indheergaradka siyaasadu ku odhanayaan in madaxweynaha looga fadhiyo in uu dhabbe cusub u jeexo sidii loo soo celin lahaa xidhiidhadhadii Somaliland beesha caalamka la alahyd,   si Somaliland ay u kasbato saaxiibo iyo waddamo xidhiidh wada shaqeyneed dhex marto.

Xisbiga KULMIYE Xiligii Ololaha waxaa uu soo bandhigay Barnaamij Siyaasaddeedka Xisbiga, Barnaamijkaas oo Siyaasiinta Xisbigu qaar ba si uga hadleen sida Somaliland ay waddamo waaweyn oo ay CUBA iyo RUSSIA ka mid yihiin u danaynayaan inay xidhiidh la sameeyaan iyo sida aynu uga faa’idaysan karno haddii ay fahmaan Siyaasiyiinta iyo bulshadda reer somalilland.

Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa haddii uu soo xidhmay xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya, maxaa ka hor taagan inay Siyaasadda Somaliland xidhiidh la samayso waddamada danaha inaga leh?

Ugu dambeyn haddii Somaliland Siyaasaddeeda Arrimaha Dibadda wax iska baddeli weydo xaalkeedu muxuu noqon doona?. Jawaabta waxa idinka ayaan idiin dhaafayaa, waxaanse leeyahay Hadraawi wuxuu maansadisii sirta nolosha ku yidhi:

Waxba samir ma liileeyo

Ha sarwicin qof kaa jeeda, 

Hana sugin nin kaa maarmay

Hana sigan mar mooyaane.

Nin ku siray ha faallaynin

Sababana ha weydiinnin

Ha u seetadheeraynin

Hana sidin culayskiisa

Siriq iyo ku qabo baydo

Hana falin siduu yeelay.

Nin ku yidhi anaa saasa

Ha ku odhan sidaas weeye

Sida uu ku yidhi heedhe

Haddii ay siniin weydo

Ama sarin sanaan weydo

Waxa furan sidaas maaha.

Qof saluugey maankiisa

Ama suufay muuqiisa ‘

Ka sal kacay xaqiiqdiisa

Qabku saami ladha maaha.

Nin sitaba bar baa saran

Ninka sii sitaa jooga

Raggannimada sooceeda

Adigoo sagaal buuxshey

Hal ku seegay baa yaalla.

 

Sagootiga qof tegayaa leh

Si hadday u dhici weydo

Si kalaa u waan waan ah

Dunidaa sidaas yeesha.

Sooryana qof yimi baa leh

Si hadday u noqo weydo

Si kalaa u waaceen ah

Dad horaa sidaad yeelay.

 

Nin salaad u kacay oogan

Sahwi galay xalaaleeye

Adna sahankan beel loogan

Ha ka dhigin socdaal baada

 

In halkii sal hayn waayo

Laga saba rogtaa doora

In su’aal jawaabteeda leh

Lala sara kacaa fiican.

Nin ku yidhi sinnaan mayno

Adna buri sarrayntiisa

Sidka waa wadaagtaane

Ma sagaashan baa tiisu.

Selelkaba hurdaa keenta

Haba seexan goor baas leh. 

Han sareedo loo waayey

In saraayo loo daayo

Sida aan u idhi weeye

Bela saacaddeed joogta

Sabti nabada haw riixin540

 

Subax dhalatay caadkeeda

Ha ka bogan wax saarkeeda

Adiguba samee maanta

Berritona sargoo heedhe

Noloshaba inaad saafto545

Qaabayso saabkeeda

Waxaan suuragelin maaha

 

Garashiyo sugnaan hoyso

Falka sami ha kuu raaco

Mana jiro sed kaa baaqday550

Ilbaxnimadu saas weeye

Sirta noloshu taas weeye.

 

Xigasho: Wargeyska Hubaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker