“Madaxweyne Muuse Biixi Waanu Is Laynay Oo Ma Wada Hadalno, Yarkaa Farmaajo Isaga Ayaa Somaliland Ka Soo Xidhay Itoobiya…” Enj Faysal Cali Waraabe.

Hargaysa-(OWN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda dawladda ee maanta iyo xaaladda guud ee dalka isaga oo sheegay in is-qabqabsiga iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirtaa ay keentay sida uu hadalka u dhigay in Farmaajo waddankii Itoobiya innaga soo xidhay isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay is khilaafeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanay imika wax wada hadal ah yeelan.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Shir-weynaha Sannad-laha ah ee Warbaahinta Somaliland iyo Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku qabtay Huteel Ambassador ayaa waxa uu sheegay in xaaladda maanta dalku marayaa ku jirto meel halis ah oo ay keentay kala qaybsanaanta siyaasiyiinta oo uu sheegay in ay iyaga dhexdoodu is haystaan oo aanay wax wada shaqayn ah iyo talo wadaag ah toona lahayn taasina qaranka halis weyn ku tahay isaga oo Saxafiyiinta iyo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay kala saaraan dawlad xumada iyo qaranimada, oo marka maamulka talada hayaa xumaado in aan qaranka la caayin oo aan dalka la nicin. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu yidhi:

“Heerkii Somaliland ku lahayd Caalamka waa la innaga qaaday oo waxa taasi kuugu daliil ah idaacaddii BBC-da ee aynu innagu aasaasnay ee halkan laga qaadi jiray wariyayaasheeda ayaa maanta innoogu daran oo idaacad Xamar innagu noqotay. Riciyad baynu noqonay oo waad aragtaan maanta Wallo-weyntii baa maanta adduunka dhex gashay. Taasi waxa keentay dawladnimada aynu iska dhiibnay Lixdankii weeyi. Ilbaxnimadii ayaa innaga raacday, Arsaaqaddii baa innaga raacday. Quruxdii baa innaga raacday. Waxaasi oo dhanna innaga ayaa isugu wacnayn. Qaarbaa moodaya in Xamar Soomaali weynimo inna gaysay. Innama gayn ee waxa inna geeyey waxa ay ahayd xinka dhexdeena iyo ku xumeeda ninba nin uu xin ku hayay”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Anigu berigii Qolada Ururka Saxaafadda waan la hadloo waxaan idinku idhi haddii aan soo baxo Miisaaniyad gaar ah ayaan idiin samayn doonaa marka aad soo dalbataan. Waxyaabahaasi waxaan ku arkay reer Galbeedka oo xisbiyada marka ay talada qabtaan way kabana Warbaahinta. Muusena annaga oo aan wali arrintiisii isla gaadhin baanu is laynay oo imika ma wada hadalno. Markaa cid kale ayaad u diran doontaan haddii Alle Yidhaa. Muddo dhawayd waxaan doonayay in aan Warbaahinta iyo xukuumadda wada hadashiiyo si qolo walba loo ilaaliyo oo aan xuquuqdooda loogu xad-gudbin. Iyada oo aan tifaftirayaasha la kulmay ayaa wasiirkii Warfaafinta waxa isla laalaadiyey Hablihii Ciida-gale oo waatii aad ogaydeen. Halkaasi ayay nagaga xumaatay oo ay hawshaasi ku joogsatay. Dhibaatada inna haysataa waxa weeyi wax walba waa la iska odhanayaa. Shalay inkasta oo aanan dhagaysan warbaahinta haddana waxa la ii soo diray muuqaal yar (Clip) ninbaa iska caayaya Xoghayahayaga Arrimaha Gudaha Ramaax. Ninkaasi si shakhsi ah ayuu u caayayaa Ramaax. Haddii aanu maxkamad gayno waanu ciqaabi karnaa. Waxaa inaad faafisaan maaha. Caydu waa arrin aan loo baahnayn iyo shakhsi weerarku. Ramaax waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka maanta taagan oo si xisbinimo ayuu u hadlay. Ninkaasi kamuu hadal waxa uu Ramaax ka hadlay ee isaga oo qabyaaladi ka buuxdo ayuu si shakhsi u caayay Ramaax”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale xaaladda dalka iyo sida dalku duruufo adag u wajahayo ka hadlayaa ayaa waxa uu yidhi:

“Maanta dhibaatada dhexdeena taallaa waa ta keentay in Innamadaa yaryar ee Xamar qabsaday  ay innaga dhammaan waayaan. Waa innamo yaryar. Farmaajo markii uu Maraykanka u qaxay waxa uu ahaa 15 Jir buu ahaa. Waa Innamo yaryar kaasaa maanta Itoobiya Innaga soo xidhay oo uu isku dayayo in uu gabigeenaba inna baabi’iyo waa inan yar. Afar yaryar oo ay isku reer yihiina waxa ay u fadhiyaan madaxtooyada. Waa innamadaa yaryar ayaa innaga xoog waynaaday. Waayo, raggayagaa waaweyni annaga ayaa isku jeedna oo isku muuqana. Dad aan wada tashanayn, dad aan wada qorshaysanayn oo aan lahayn maxaa innaga xumaaday oo maxaa innoo hagaagay oo iyagu isku jeeda waa laga adkaan doonaa. Waar Maamul xumaaday oo shaqadiisa ka soo bixi waayay qarankiina oo dhan ha u nicina. Dalkiina oo dhan nidaam (Administration) ah oo hawshiisa qabsan waayay ha u nicina. Qaranka iyo qofka xun hala kala saaro. Qofka xuni wuu iska tagayaa oo cod baynu kaga qaadaynaa kursiga laakiin in aan dalkeenii iyo dawladnimadeenii magacyo u bixbixino waa innagu ceeb” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Natiijada sawirka FAYSALWARAABE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker