GAROOMADII MAGAALADA MARKUU LIQAY, GURYAHII DADKA USOO DHIGAY. W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE.

“Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Mayor Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd …….”

Inay dhalinyartu hesho Garoomo ay ku ciyaaraan waxay ka mid tahay masuuliyada iyo waajibaadkii loo doortay golaha deegaanka hargeysa, cida koowaad ee xilkaasi saran yahayna waa Mayorka Caasimada Solteco oo mudo 6 sano ku dhow Maayar ka ah Caasimada Hargeysa, mana jirto qodob kaliya oo farta lagu fiiqo karo oo uu wax ka qabtay. Indhaha lagama qarsan karo daranyada iyo diifta ka muuqata caasimada Hargeysa oo ah muraayada qaranka haday tahay Wadooyin, Garoomo, Caafimaad IWM. Waxqabadka ugu wayn ee Mayor Solteco lagu xasuusan doonaa waa Boobka Dhulka iyo Baloodhaysiga Dhulkii dantaguud ee Garoomada noqon lahaa ee Caafimaad ama Iskuulo laga dhisi lahaa gabi ahaanba wuu xaalufiyay, meel banana hadalkeeda daa. Xaalku wuxuu marayaa inuu ka nabadgaliwaayo dhulkii banaanaa ee dadku gaarka u lahaa sida Garoonka Dhurqaanta oo ah dhul banana oo Xaaji Baxsane, ilaahay danbigiisa ha dhaafee, dhalinyarta xaafadu ka codsatay inay ku ciyaaraan ilaa inta uu wax ka dhisayo, Xaajiguna u fasaxay dhalinyarta xaafada sidoo kalana Maalmaha Ciida salaadaha lagu tukan jiray. Mayor Solteco markuu liqay dhamaan dhulkii danta guud ee caasimadu lahayd ee Garoomada loogu talagalay wuxuu soo maleegay mu’aamaraad isagoo dhalinyartii xaafada ku yidhi  Baxsane ayaa idin kaga noqday garoonkii uu hore u bixiyay een ugu talogalay inaan Roog idiin dhigo ee ku  mudaharaada.

Taariikh Kooban Garoonka Dhurqaanta ama (Baxsane)

Wuxuu ahaa dhul banaan oo dhalinyarta xaafada sheedaha ama koodbuur ay muddo dheer si kulmeel-gaadh ah ugu ciyaarayeen dhulkan oo uu leeyahay Xaaji baxsane,oo imika loo yaqaan garoonka baxsane ama garoonka dhurqaanta. Ganacsadaha ayaa si ku meel gaadh ah u siiyey dadweynaha xaafadaasi inay dhulkaa u isticmaalaan tukashada salaadaha ciida iyo inay dhalinyaradu ka dhigtaan garoon ay ku ciyaaraan maadaama xaafadu aanay lahayn wax garoon ah ilaa inta loo samaynayo garoon ay xaafadu leedahay. Odayada iyo Dhalinyarada xaafadu way soo dhoweeyaan arintaas ilaa inta Xaajigu diyaar u noqonayo  inuu dhulkiisa wax ka dhisto.

Marka Xaqiiq laga hadlayana Qof kasta oo Kamid ah Dhalinyardda Xaafadaasi Waxa uu Aaminsanaa in aan Xaajiga dhulkiisu yahay Mulki uu isagu Leeyahey oo maalin maalinta uu doono dhisan karo. Sidaas darted waxa jirtay balanqaad jiitamay oo Mayorku u balanqaaday dhalinyarta xaafada inuu garoon u dhisi doono. Markii beentii maayarku badatay ayay dhalinyartu mudaharaad ay ku diidan yihiin Soltelco ka sameeyeen agagaarka guriga maayarka oo u dhaw dhulka banaan ee Xaaji baxsane sida ku meel gaadhka u bixiyay oo imika uu dhisme ka wado Xaajigu.

 Gadoodkii Dhalinyarta iyo Shirqoolkii Maayor Solteco

Dhalinyaradan ayaa ka gadooday dayaca iyo been abuurku uu Mayor Solteco mar walba ku qancin jiray oo dhamaantood noqday hal bacaad lagu lisay. Arinta garoon la,aantu kuma koobna xaafadan oo kaliya ee mid saamaysay dhamaan Degmooyinka caasimada kadib markii si badheedh ah loogu takri falay dhulkii danta guud ee garoomada laga dhislahaa. Hadaba ceebta ugu way nee dhacday waxay ahayd Mayor Solteco oo soo abaabulay Mu’amaraad qaawan oo inta uu dhalinyaradii qaar lacago u qaybiyay ku yidhi Xaaji Baxsane waanu ka heshiinay inaanu dhul kale ugu badalno Garoonkana idin yeelataan lkn imika wuu idin kaga noqday oo waakaas dhisanaya, anigana wuu idiiday ee dareenkiina muujiyay.  Qaar kamid ah dhalinyarada garoon la,aantu ku habsatay ee uu lacagta u qaybiyay waxay si anshax xumo ah u wareerareen hoyga ay dagan yihiin qoyska ganacsade baxsane kuwaas oo shiid iyo burbur xoog leh u gaystay guriga xuseen baxsane oo u dhow Garoonka, sidoo kale waxay waxyeelo soo gaadhay gaadiidkii ganacsade baxsane ee halkaas yaalay.

= CAQLIGII MAAYOR SOLTECO WAAKAAS=

Xaaji Axmed Daahir (Baxsane) oo ah Ganacsade sharaf iyo karaamo ku leh bulshada iyo qaranka Somaliland, shakhsi maalkiisa iyo hantidiisa ku bixiya goobaha khayrka leh, caawiya dadka danyarta ah, kaalin wayn kaga jira horumarka bulshada.

Xaashe’e Xaaji Baxsane magayo mana galabsan in hantidiisa wax layeelo, waa nasiib daro inuu Solteco u dhaqmayo sida ciyaala Jirida aan dhaqan iyo akhlaaq midna kusoo korin, Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd ciyaalo suuqnimo iyo maafiyana wuu ku darsaday. Hargeysa Hiilbay u baahan tahay iyo in laga badbaadiyo Mayor Solteco. M/weynaha waxaan leeyahay hoos u eeg duruufaha ku xeeran Caasimada Mayorka iyo Golaha Deegaanka, Muraayada qaranka badbaadi M/weyne isbadalka xukuumadaada cid la jaanqaada ayaad u baahantahay ee cid fadhiida uma baahnid.

Allaa  mahad leh

W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE.

Alaale990@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker