Dawladda Eritrea Oo Rajo Ka Qabta In Laga Qaado Cunaqabateyta Saara.n

Asmara-(OWN)-Dowladda Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo ceshaneyso maqaamkeedii dunida, kaddib markii sanadkii hore uu dhacay heshiis taariikhi ah oo dhaxmaray dowladdaha gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea.

Xukuumadda Asmara ayaa hadda rajo badan ka qabta in laga qaado cunaqabateynta  la saaray sanadkii 2009-kii, taasoo isugu jirtay cunaqabateynta hubka,  xayiraadaha hantida iyo safarada ee la saaray dowladda Eritrea, kaddib  markii lagu eedeeyay inay hub siiso Al-Shabaab iyo inay diiday qaraarkii  lagu xalinayay muranka xuduuda ee kala dhaxeeyay Jabuuti.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Isniin ah lagu  wadaa in ay fadhi gaar ah yeeshaan, kaasoo warbixin looga dhageysanayo  Guddiga la socodka Cunaqabateynta Eritrea iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa loogu baaqi doonaa in ay sii wado dadaalada nabadeed  ee lagu xalinayo muranka xuduuda ee u dhaxeeya iyaga iyo Jabuuti, iyadoo  la eegayo sharciyada caalamiga ah.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inay muddo sanad kale ku sii daraan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha.

Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika iyo heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ee soo afjaray colaadii 20-ka sano u dhaxeysay ayaa fursad u noqday in mar kale Eritrea ay ku soo muuqato saaxada, isla markaana ka baxdo go’doonkii ay ku jirtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker