Ciidamada Israel Oo Weeraray Gudaha Marinka Qaza

7 qof oo reer Falastiin ah iyo askari Isra’iili ah ayaa ku dhintay weerar qarsoodi ah oo ay xalay ku qaadeen ciidamada Israel deegaanka Khan Yunis ee ka tirsan Marinka Gaza.  Koox ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Israel oo watay gaadiid ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen 3km marinka Gaza iyagoo weerarkooda la beegsaday mid kamid ah hogaamiyayaasha militari ee ururka Xamaas oo lagu dilay weerarkii xalay.

Nuur Baraka oo ahaa 37 sano jir hogaamin jiray ciidamada Al Qassam ee Xamaas ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkan kadib iska horimaad dhexmaray isaga iyo ciidamada komandooska Israel.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada komandooska Israel oo weerarkaasi fuliyey, kuwaasi oo dib uga baxsaday goobta iyagoo taageero ka helay diyaaradaha dagaalka ee Israel. Kadib weerarkan ayey dhowr gantaal oo laga soo tuuray Gaza kusoo dhaceen dhulka ay Israel maamusho, walow duqeyntaasi aysan geysan wax khasaaro ah.

Hawlgalkan ayey Israel kusoo beegtay xili xukuumada Maraykanka ee Donald Trump sheegtay inay ku dhawaaqi doonto qorshe cusub oo lagu heshiisiinayo Falastiiniyiinta iyo Israel, balse qorshahaasi ayey horey u diideen Falastiin oo sheegtay in Maraykanka uusan dhex dhexaad ka ahayn arrintan.

Bilihii lasoo dhaafay ayey xaduuda Gaza iyo dhulka la heysto ka socdeen banaanbaxyo ay shacabka Falastiin doonayaan inay dhulkooda dib uga noqdaan isla markaana la qaado xayiraada Gaza saaran, mudaharaadyadaasi oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin aan hubeysneyn oo kacdoonkaasi ka qeyb qaadanayey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker