Qabashada shir qaran maxaa sababi kara?

Sida intiina badani ay la socoto waxaa dalka ka madaxwayne ah muuse biixi cabdi, waxuuna talada dalka gacanta ku hayaa ku dhawaad 1sano.

Hadaynu dib isu xasuusino dowladii madaxwaynihii hore cabdiraxman maxamed cali waxay la kulantay sad bursiinyo bulshada dhexdeeda ah, kuna yimid hubkii lagala wareegay dowladii maxamed siyaad bare sidii loo qabysan laha.

Dhacdadaasna waxay sababtay dagaal ku daata dhiig sukeeye,

Dagaaladaa iyo kala shakiga beelaha dhexdooda waxay sababtay in la qabto shirar beleedyo isdaba jog ah,

laguna soo afjaray dagaaladii beelaha dhexdooda ka jiray.

Aakhirkiina waxay dhashay dowladii dhisnayn in dusheeda ay kaga arin sadaan beelaha  sidii ay ku dhisan lahayeen dowlad lawada leeyahay,

kuwa wax laga tabanayana laga qabto umada.

Dulucda hadalkaygu wuxuu yahay intii uu madaxwayne muuse talada dalka gacanta ku hayay waxaa soo baxay saluug laga muujinayo hab maamulka madaxwaynaha, wuxuuna ku yimid awoodihii dadkan ay walda lahayeen oo dhinac ka raran.

Waxaa dhacay shir ay yesheen beelaha Somaliland beelaha ugu awooda badan beel kamid ah, kazoo ka dhacay gacan libaax, qodobadii kazoo baxayna waxaa kamid ahaa in loo baahan yahay in la qabto shir qaran, shirkaa qaran ee loo baahan yahayna waxay tilmameen wadada loo raacaya fulintiisa iyo faa iddada ka danbeysa.

Gudoomiyaha golaha guurtida mar wax laga waydiinayay in loo baahan yahay shir qaran wuxuu sheegay shir qaran in laqabtaa waa u muhiim dadkan iyo dalkan,

Madaxwayne muuse digreetadii ugu danbaysay ee uu soo saaray waxay sii xoojinaysa qabashada shirar beleedyo ka dhaca dalka, iyadoo aan la garanayn cawaaqib xumada ka dhalan karta shir beleedyada.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxwayne muuse usoo jeedinayaa inuu samaysto la taliyayaal kala taliya hab maamulka umadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker