Talo soo jeedin

War-saxafadeed….

 

Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyagoo oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, iyagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel doorasho oo ku yimaada Golayaasha Dawladda ee dhammaantod wakhtigii ka dhacay marka laga reebo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha degaanada , iyagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, waxay ugu baqeen Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi inuu qabto Doorashooyinka looga fadhiyo, inuu qodax tiro duruufaha ku geedaaman ee Koomiishanku kowga ka yahay ee Saamiga kuraasta Goboladu laba ka tahay ee kala xadaynta Degmooyinku saddexda yihiin.

 

Waxa yaab leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tallada Waddanka hayay muddo sannad kodhaw, soo jeedimihii Mucaaridka kumuu raacin rayi saddexaadna muu keenin, tallabo aan garnaqsi ahayna lamuu shir iman.

 

 

Ummadda Somaliland waxa la gudboon inay doorkooda qaatan una diyaar garoobaan sidii ay Dalkooda uga dhici lahayd doorasho u qabsoonta si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana ay siiyaan Axsaabta Mucaaridka ah.

 

 

Tabashada Axsaabta Mucaarid ah ee WADDANI Iyo UCID Ee Ku Aadan Koomiishanka & Xukuumadda Isku Milmay.

 

 

Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmo Qaran kasta oo Dimuquraadi ahi wuxu ka koobanyahay Xisbiyo kala aragti duwan oo Mucaarid iyo Muxaafidba leh, Somaliland oo ay ka jiraan saddex Xisbi Qaran waxa lagu tartamayaa waxa weeye sida loogu kala wanaagsanyahay u adeegida shacbiga iyo barnaamijka Xisbi kasta soo bandhigo, ma jirto colaad intaas ka gun dheer oo Xisbiyada ka dhaxaysa, waxaase nasiib darro ah in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu colaad iyo dagaal dhaawac ku ah dimuquraadiyadda ku hayaan Axsaabta Mucaaridka ah iyo cid kasta oo ka rayi duwanaata, taas oo aan meelna ka soo galin tartankii Axsaabta ka dhaxeeyay iyo Dimuquraadiyadda, waxa kale oo nasiib darro ah inaynu 27-sanno kadib humaag galino sharciyada aynu dhiganay. 10-sanno muddo kudhaw waxaynu ku murmaynaa shuruuc ilaa 2008-kii waxaana taas sabab u ah marba Xukuumadda joogta oo aan diyaar u ahayn in la dhiso hay’adihii dhexda inoo noqon laha Sida Garsoorka oo aan madax banaanyn marka ma jirto meel laysula tagaa oo aan ka ahayn xeer jajab. Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida shuruucdu dhigayso halkii uu guddi u saari laha eedaha Koomiishanka Doorashooyinka ayuu isagii Garyaqaan u noqday shahaadooyin wada shaqada ahna gudoonsiiyay, waa odaygii Somaliland waa Madaxweynahii Qaranka misana taasi ficilada laga arkay kama muuqato.

 

Maxaa la gudboon Axsaabta Mucaaridka ah.

 

Xisbiyada Mucaaridku iyagoo eegaya oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland oo ummaddii ay hadheyeen abaaro riiqdheeraaday iyo sicir –barar danyartii saamayn xun ku yeeshay, iyagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, iyaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, iyaga oo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, waxa la gudboon inay mar kasta dulqaad wayeelnimo kaga falceliyaan talaabo kasta oo daan daansi iyo deelqaadba leh oo Axsaabta Mucaaridka kaga timaada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE.

 

Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib darro Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Dimuquradiyaddii iyo wada tashigii ay ku caano maaleen shacbigii Somaliland.

 

Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen 45-daqiiqo oo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi hadlaayay inuu ku bilaabay kuna dhammeeyay, garnaqsi, dib u noqosho doorasho dhammaatay, gocasho iyo isdifaacid dhammaantood ku guroraayay Eragyii Abwaan Dheeg ee aha “Nin Dulyari Ma Madaxbaa “.

 

Ummadda reer Somaliland waxaynu marag ka wada nahay, in maanta Xaalada Dalkeena gaar ahaan Gobolada Bari ay marayso “Alamtarana soo dhaaf “. Dhahar iyo Sanaag Bari waxa ka doobyaysa Puntland oo waxqabad ku kasbatay degaanadi Waddan keena ka tirsanaa, Dhuumay iyo Koonfurta Sool coladii ka dhacday waxa inooga soo dheereeyay Dawladdaha Soomaliyeed ee jaarka oo deeqihii Gurmadka ka sokow Saaka ciidamo nabad ilaalin ah kala dhex dhigay, Tukaraq qadiyadeeda waad la socotaan markii horena Madaxweynuhu tallo Qaran kuma galin dacwayntii caalamkana waa laynooga dheereeyay..

 

Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan Xukuumadda oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah, wuxuu maanta ku daray Wasiirkii Warfaadintu isagoo ku shaqaynaaya siyaasadda Madaxweynaha inuu aasaaso qayb dabagssha war-baahinta Madaxa banaan ee lagu ladnaa, taas oo la macno ah wixii nidaamkii Millatariga aha ee Maxamed Siyaas Barre u yaqaanay “Faafreebka “.. Isgaadhsiintii in lays dhagaysto ayay Xukuumaddu wadaa oo kadib dadkuba Telefoonada ka aaminka baxaan. Dhammaan deel qaafyada cidda dabri lahayd waa Golayaasha sharci dajinta ee fadhiidka noqday, doorashooyin koodina uu Madaxweynuhu hortaagan yahay isagoo ka cabsi qaba In isla xisaabtan yimaado.

.

TALO SOO JEEDIN:

 

Waxaan ku talinayaa gaar ahaan asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Mucaaridku iyaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, waa inay u dhabar adaygaan gardarooyinka ka imanaya Xukuumadda KULMIYE intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud, waana inay la yimadaan qorshe Mucaarid oo maangal ah si Dalka looga badbaadiyo in awoodu ku uruurto meel kaliya.

 

Xisbiyada Mucaaridku waa inay u taag naadaan doorasho iyo nabad, kana soo horjeestaan fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka. Axsaabta Mucaaridka ahi , waa inay dhexdooda wada shaqayn fiican yeeshaan kana hawl galaan sidii loo heli lahaa Guddidii doorashooyinka Qaranka ee qaban laha doorashooyinka muddo dhaafay..”

 

Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker