Qaar Ka Mid Ah Caruurtii Dalka Cameroon Lagu Afduubtay Oo Waalidkood Dib Ula Midooba.y

 

Booliiska CameroonDalka Cameroon, qaar ka mid ah 78 carruur ah oo horey loo qafaashay ayaa haatan dib ula midoobay qoysaskooda.

Ardaydaasi ayaa la siidaayay talaadadii la soo dhaafay laba maalmood kaddib markii la qafaashay.

Waxaa jiray jahawareer ku aadan cidda qafaalatay kaddib markii fallaagada reer Cameroon iyo dolwadda dalkaasi uu midba midka kale ku eedeeyay arrintaasi.

Magaalada Bamenda ayaa waxaa ka jiray dareen qiiro leh oo waalidiintu ay si diiran ugu soo dhaweynayeen caruurtooda, waxaana haatan halkaasi kusoo idlaaday argagixii ay la kulmeen waalidiinta caruurtaasi.

Gabar iskuuley ah oo 15 sano jir ah ayaa BBC u sheeegtay in ragga afduubka u heystay ay ahaayeen falaagada gooni-goosadka ah ee loo yaqaano wiilasha Anglophone.

Waxa ay sheegtay in dhibkii ugu adkaa ee ay la kulmeen uu ahaa in masaafo dheer ay ku dhex lugeynayeen baadiyaha.

Xukuumada Cameron ayaase ku eedeysay falkaan falaagada gooni-goosadka ah.

Falaagadu waxa ay sheegtay in xukuumada ka dambeysay dhacdaaan si loo sumcadooda wax loogu dhibo.

Inta badan caruurta lasoo daayay ayaanan wali dib ula midoobin waalidiintooda, waxaana loo sheegay inay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo buuxa.

Simeya Priscalline and Gemoh Damianus ayaa tilmaamay dareenkooda kadib marki ay booqdeen caruurtooda lasii daayay.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa wali sugaya caruurtooda, iyada oo saraakiisha dowladda Cameroon ay sheegeen in caruuta oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay u baahan yihiin daryeel caafimaad ka hor inta aysan ku laabanin guryahooda.

Wararka ka imaanaya Cameeroon ayaa sidoo kale sheegaya in labo arday iyo labo qof oo xubno ka ahaa shaqaalaha iskuulka ay wali ku jiraan gacanta afduubayaasha.

Xigasho:- BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker