Mujahid Ooto Biixi R.I.P Ayaa laga Hayey Muse Biixi Madaafiic Ha u Doonina Kuwa Isaga Ku Rakiban Ayuu Isku Garaacayaa

 

afkiisa kasoo baxay kaas oo ahaa ” Waligayo cadow noo gacan qaadey nagama adkaan, waanu jabinaa tariikhda dib ha loo raaco, ragga maanta ciidanka kasoo uruurinaya Garoowe dib isku waraysta oo awowyashiin waraysta, golahiinii u danbeeyey waraysta.

Hadalkaas ayaa dad aad u badani dhibsadeen oo ay aad uga xumaadeen kuna qasabtey in ay tolkeed soo raacaan sax iyo khaladba, in kastoo aanu Madaxweyne ahayn Muuse Biixi markii uu hadalka jeedinayey, lakin waxay ahayd gebo-gebadii ololaha doorashada rajo weyna uu ka qabay in uu noqdo madaxweyne tiina way dhacdey imika waxay ku noqotey laf Somalidu waxay tidhaa *uurku waxuu jecleystaa afka lagaga heesaa, ibtiladu waxay tahay markii lagu ogaadee*.

Hadii aan u gudo-galo ujeedadayda dadweynaha ku nool gobolka sool, qaybo ka mid ah sanaag iyo Buuhoodle sanadihii u danbeeyey waxay usoo xaglinayeen Xaga Somalialnd taas oo aynu lawada soconay sida maamulka Somaliland ugu sii fidaayey dhulkaas iyo Shacab weynahaas oo u soo jeestey horumar iyo wax wada qabsi kana daalay coolaad iyo dagaal.

 

Manta waxa ii muuqda in ay xaaladu is bedeshay waliba si cad oo reerka halkaa dega ee Dhulbahante mar qudha is bedelay una xagliyeen xaga tolkood ee Puntland, xataa Khaatumo ay manta ka doorbidayaan Puntland iyo Harti.

Hadaba Akhriste, Ma isweydiisay sababta ay taasi u timi 6-dii bilood ee ugu danbeeysey ee xukuumadda Musse Biixi jirtey.

Sheekooyin badan oo na dhex maray dadka dega deegaanka aan so xusay ama reeka Dhulbahante ayaa waxa ii cadaatey in inta badan sababta uu iska leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi hadal maqal iyo muuqaal ah oo dhuun gashay.

Somalida lagama maro xaga caadifadda qabiilka reerka Dhulbahante kama duwana somalida kale waxay dareemeen faan iyo jees jees una arkayeey in ay kaga imanayso xaga Beesha Isaaq.

Maanta xaaladdu waa jiq marka runta la isku sheegayo beesha Dhilbanahte mucaaridiyo, muxaafid, wadaad, haween, caruur iyo cirroole way ka siman yihiin in ay la saftaan Puntland, Somalilandna dhowr qof oo soo shaqo tagay mooyaane aanay niyad u ahayn.

Madaxweyne Muse Biixi Cabdi may fogeen markii uu socdey shirwaynihii Buurta Gacan Libaax ee Beelaha Garxajis in uu ka hor dhacay qodobadii kasoo baxayey shirkaas isagoo aad moodo in uu isagu sii qorey, lakin manta ay ku noqdeen u qaadan waa iyo amakaag.

Hadaba Madaxweynaheenii marka uu sidaa yahay maxaad ka filaysaan dadka shacabka ah siiba kaabo qabiilada, umad rogmanaysa loogama horeeyo hogaan xun oo dadka kala fogeeya. Waxay ila tahay inta Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ay yihiin Hogaamiyaal Xisbi iyo Madaxweyne in aan la heleyn Somaliand isku duuban oo walalo ah oo cadaalad kuwa dhaqma.

Ugu danbeytii waxaan xasuustey Hadalkii Muj. Ooto Biixi ee ahaa “Muse Biixi Madaafiic Ha u Doonina Kuwa Isaga Ku Rakiban Ayuu Isku Garaacayaa”

 

Sharmake Ahmed Cadde

Sugmaha101@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker