: Maxaa ka jira in maayar Soltelco horseeed u ahaa Shiidkii guryaha baxsane ee dhalinyarada xaafada dhurqaanta

Maalmahan waxaan si dhaw ula socday cabashada dhalinyarada xaafada dhurqaanta ee degmada ibraahim koodbuur,oo mudo 25 maalmood ah ku jira xaalad jahawareer oo sababtay weerarka hantida ganacsadaha baxsane.

Weerarkan oo ahaa mid uu soo abaabulay maayarka caasimada hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii ay ogaadeen in dhulkii ay u isticmaali jireen ciyaarta kubada cagta inuu dhawaan la dhisi doono oo mulkiilihii lahaa dhulkaasi uu u baahday inuu dhismayaal ka fuliyo.

Dadwaynaha xaafada waxay judhiiba ay abaareen guriga maayarka caasimada oo aan ka fogayn garoonka baxsane ee cabashadu ka taagan.

Dhalinyaradan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah waayeelka xaafadaasi oo hore u haystay balan qaad maayarku u sameeyey,

Hadaba Muxuu ahaa balan qaad kaasi

Dhulkan loo yaqaan garoonka baxsane waxa uu ka mid ahaa hantidiisa gaar ka ah.

Balse codsigii dadweynaha xaafada oo ahaa inuu u ogolaado tukashada salaada ciida iyo inay caruurtu ku ciyaaraan.

Beentii maayarka

Maayarku wuxuu been ka sheegay in xaaji baxsane ay u sameeyeen dhul bedel,isla markaana garoonkani uu yahay mid ay iska leeyihiin dhalinyaeada xaafada ku nool.

Qaarka mid ah dadweynaha xaafada degan ayaa sheegay in maayarku uu been u sheegay,ka dib markii ay ka war heleen in la dhisayo garoonkii.

Xaqlaha dhulkan garoonka loo isticmaali jiray oo goobtaa timid,waxa uu la kulmay dhalinyaradii,iyagoo u sheegay inaanay ku haysan dhulkan.

Hadaba xal ma u aragtaa in maayarku soo jeediyo tallo aan meesha oolin oo ina odhanaysa shiida guryaha baxsane si uu u siiyo dhulkaasi.

Dhawrkii habeen ee u dambeeyey waxa si is daba joog ah u socday talaabooyin ay ku kaceen dhalinyaradaasi oo isugu jira inay dhagax ku jaraan wadada,shiid ay la beegsadaan gaadiidka iyo guryaha xaaji baxsane.

Dabagalka arinta waxay igu qaadatay wakhti,ka dibna waxaan ogaaday in maayarku uu kula taliyey dhalinyarada inay falalkaa sameeyaan si garoonka uu u daayo xaaji baxsane.

Arintan waxay noqonaysaa arin keenaysa laba arimood oo halis ah.

1.Mustaqbalka dhalinyarada
2.Nabad galayada guud

La soco qabataa labaad

Xuseen Xasan Faarax
Aqoon yahanka degmada koodbuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker