Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Oo Bari Safar Ku Tagi-doona Adis Ababa

Muqdisho (OWN)Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la xaqiijiyey in uu berri oo Jimce ah safar ku tegi doono dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Gonder ee gobolka Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Sida uu boggiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed , safarka madaxweynaha ayey ujeedkiisu tahay sidii uu uga qeybgali lahaa kulan lagu dhammeystirayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Kulanka waxaa sidoo kale imaan doona Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo dalkiisu uu kulanka ka dhacayo.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dhawr safar oo uu ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo lagu xoojinayo xiriirka dalalka Soomaaliya jaarka la ah.

Waxaa hore Muqdisho booqasho ug yimi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya halka Wasiirada Arrimaha Dibedda Eritrea iyo Itoobiya ay laba toddobaad ka hor iyana si wadajir ah u soo yimaadeen Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker