Madaxwaynaha Maraykan Trump Oo Xilka Ka Qaaday Xeer Ilaaliyihi Guud Jeff Sessions.

USA-(OWN)-Madaxweynaha Maraykanka Dondld Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii guud ee Maraykanka Jeff Session.

Tallaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baaridhta Robert Mulleur, oo ah ninka baadhaya xidhiidhka laga yaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Sessions ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday.

Hadalkaas ayaa u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fadhiisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baadhista gaarka ee uu wado Robert Mulleur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker