Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Oo Sheegay In Aanu Sucuudiga Isku Dhiibeynin.

Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa sheegay in uusan marnaba isu dhiibi doonin xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

Khudbad uu ka jeediyay telefishin ayaa Cabdulmaalik Al-Xuuti waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisu in ay iska caabiyaan weerarka dawladda ee magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda.

Hogaamiyaha jabhaddani ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibo.

Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu hormuud ka yahay dagaalka lixda maalmood ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay hawada ka taageerayeen dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman dhulka ka wadeen.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa ugu baaqay labada dhinac ee colaaddu ay u dhaxeyso in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa Mareykanka waxa uu ku baaqay xabbad joojin balse dagaalka ayaa halkiisa ka sii socda.

Badhtamihii bishii Juun ee sanadkan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi.

Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo.

Dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman.

Xuuti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker