Cali Coomay oo Aflagadeeyey Beelo Ka Mida Beelaha somaliland.

Waxaan Qalinka U Qaatan Maanta In Aan Labo Erey Ka Idhaa Nin La Yidhaa Cali Coomay Oo Ku Magac Dheer *Dhuusa-Geel* Oo Sheegta Macalin Iyo Saxafi Oo Caado Ka Dhigtey In Uu Aflagaadeeyo Qaar Ka Mid Ah Beelaha Somaliland.

Mr. Cali Coomay Dhuusa-Geel oo Sheegta In Uu Yahay Qoraa, Saxafi iyo Macalin Ku Nool Magaaladda Hargeisa Ayaa ah Nin Uu Kasoo Burqamaayo Naxli, Qabyaalad Iyo Cuqdad Uu U Hayo Beelo Ka mid Ah Somaliland oo Had iyo Jeer Uu Ku Aflagaadeeyo Qoraalo iyo Maqaalo Kala Duwan Bartiisa Facebook Isagoo Oo Kala Gur-gura  Beelaha walalaha Ah ee Wada Dega Magaladda Hargeisa.

                                                                                               

Ugu Horeyn Mr. Cali Coomay Dhuusa-Geel Waxa uu Aaminsan Yahay In La Dhiso Madaar Cusub oo Ku Yaal Galbeedka Hargeisa, Taas oo Qoraaladiisa Uu Ku Cadeynayo Sababta Iyo Halka Ku Haboon In laga Dhiso, Iyo In Stadium-ka Ugu Weyn Hargeisa Laga Dhiso Waqooyiga Magaaladda, Saylad Cusub-na La sameeyo oo Xoolaha Lagu Kala Iibsado Taas oo Ku Haboon Meel La yidhaa Haadlay oo Sidaan Filaayo Ku taal Degaanka Arabsiiyo.

Qoraaladan Naxliga iyo Xumaanta Cuqdadaysdan Ku Dheehan Tahay Waa Qaar Uu Caadeystey Oo Uu Had iyo Jeer Bartiisa Facebook Uu Soo Dhigo.

Waxaa La Talax-tagay Qabyaalad iyo Cuqdad Isagoo Mar Walba Ka Hadlaaya Jeegaan Iyo In Cirro Ama Beesha Garxajis Tahay Somaliya lacago Badana looga soo Diro Muqdisho Shakhsiyaad Badan Oo Kasoo Jeeda Beeshaas Isagoo So Bandhigaaya Waraaqo Been Abuur Ah oo Uu Leeyahay Xawaaladaha Ayaa lagaga Qaata Kumaam-kun Dollar Bishii.

Mr. Cali Coomay Dhuuso-Geel Maan-gaabnimada iyo Cuqdadda Qabaliga ah Waxuu Ku Darsadey In Uu Imika Si Cad Ugu Aflagaadeeyo Qaar ka Mid Ah Beelaha Sharafta leh Ee Somaliland Isagoo Soo Qoraaya In uu Beelaha Hargeisa Qaarkood  Wis-wis Ka Kabo. Isagoo Sida Dhediga Wax U Qoraaya Isticmaalayana Hadaladda Dhediga.

Waxaan Ogaysiiyanayaa Dhamaan Shacbiga Somaliland In Ninkaas Xanuunsanaya Ee Sida Dhediga U Hadlaaya In La Ogaado Waxna Laga Qabto, Mana Aha in Uu Cuno Cashuurta Masaakiinta Laga So Qaado Isagoo Sheeganaya Macalin Ama Shaqaale Dawladeed.

Ugu Danbay Waxaan Dadwaynaha La Wadaagi-doona Si Joogta Ah Waxii Uu Soo Qoro Kolba Anigo So Bandhigi-doona.

 

 

Abdulmalik Ahmed Burhan.                                                                                                       Email: Amiin5262@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker