Calanka Soomaaliya Oo Magaalada Jigjiga Laga calmaday Qiimihiisuna Uu Qaaliyoobay.

Jig-jiga(OWN)-Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jidjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calamka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale.

“Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir.” Ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil.

Salma oo BBC-da kula hadashay magaalada Jigjiga ayaa sheegtay in ay xukuumaddii hore aysan ogolaan jirin in Jigjiga lagu xirto calanka Soomaaliya, “isla markaasna ay ku taami jireen in ay arrintaasi mar uun u suuragasho.”

Diracyada iyo go’yaasha calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa gabaabsi ku ah Jigjiga.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa horay u sheegay in ay dadku aragtidooda oo xor ah dhiiban karaan iyaga oo u maraya wadooqiin nabad ah.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya dareen la’aan, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Calanka Soomaaliya oo kali ah Jigjiga ma tagin ee waxaa iska xaadiriyay dad aan la gabanin in ay aaminsan yihiin midnimada Soomaalida sida Naciima Abwaan qorane.

Waxa aan kasoo degay Madaarka magaalada Addis ee xarunta dalka Ethiopia. Masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa igu soo dhaweeyay. Masuulkii ugu horreeyay een arkay ayaa igu soo booday oo si lama filaana u yidhi “Alla walal adiga ayaa Soomaaliya ku noqonayee, calankaas aad gacanta ku xidhan tahay ii bixi “ aniga oo aad u faraxsan dhanna ka yara yaabban, ayaan subaxii dambe jigjiga imi.

Maalmo ka gadaal goobihii ugu horreeyay ee aan bookhdo meel ka mid ah waxa ay ahayd Wasaarad, wasiirkii wasaaradda ayaa aan ku idhi indr adigoo hawshaada ku jira ayaan sawir kaa qaadanayaa raalli maka tahay? miiska xafiis kiisa waxaa u saaran Calankii Dawlad deegganka Soomaalida iyo kii Federal ka Ethiopia, inta uu soo istaagay oo Calankii Ethiopia wax iga qariya dul saaray ayuu yidhi hadda waa aad iga qaadi kartaa!

Ayaamo ka gadaal waxa aan ogaaday magaalada Jigjiga dhexdeeda dharka calanka buluugga ahi in ay aad qaali uga yihiin. Taasi waxa ay i tusaysaa rejo aad u qurux badan.

Maxaan calanyahaw baxsani
Cid uun ku daryeesha oo
Ku ciil tirta aan jeclaa

Naciima Abwaan Qorane

Jigjiga, Soomaali galbeed

JIGJIGA

Xigasho:- BC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker