Arooskii ma kuu dhammaaday?

Waa su’aal yaab leh laakiin soo ma mudna marmarka qaarkood in la isweydiiyo; si loo ogaado qoys walba waqtiga aroosku ugu dhammaado?.

Horta qoysaska qaarkood xataa toddobada beri ma dhammaystaan oo reerkuba waa dumaa ama caruusada ayaa caroota oo gurigii reerkooda aada.

Dhinaca kale waxaa jira qoysas arooska aan kaba bixin oo aroosba iska ah ilaa labadooda mid dhimanayo.

Qayb seddexaad baa jirta oo labadaas u dhaxaysa oo iyaguna kala waqti duwan: qoys toddobada ku dhammeeya, qoys bil qaata, qoys arooska sannad dhan wada iwm.

Haddaba waxaa isweydiin leh wuxu waa aroos uun ee waa maxay sababaha dhaliyey kala duwanaanshaha ilaa xadkaas gaarey?.

Bal dhallinyarooy wiilal iyo gabdhaba arrintaas baaritaan ha lugu sameeyo, aadna ha looga fakaro; waayo waa hawl idin wada sugaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker