Aqalka Cad Oo Kaadhka Aqoonsiga Ee Lagu Galo kala Laabtay weriyaha CNN Jim Acosta.

USA-(OWN)-Aqalka Cad ayaa kaadhka lagu galo kala laabtay wakiilka CNN ee Aqalka Cad saacado kaddib markii ay hadallo kulul is dhaafsadeen madaxweyne Donald Trump.

Jim Acosta ayaa shir jaraa`id oo uu Trump shalay qabtay ku weydiinayay su`aal, markii shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ay isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo.

Xoghayaha warbaahinta Sarah Huckerbee Sanders ayaa sheegtay in weriyahan karaka lagu galo Aqalka Cad lagala laabtay, sababtuna ay tahay inuu u gacan qaaday gabar dhalinyaro ah.

Acosta ayaa beeniyay eedeynta Sanders.

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlayay doorashooyinka dhexe ee dalkaasi, taas oo xisbigiisa uu ku waayay aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka, balse wuxuu kuraas ka helay aqalka sare.

Maxaa ka dhacay shirka jaraa`id?

Intii ay socdeen su`aalaha weriyeyaasha, ayuu Acosta kula loollamay adeegsiga Trump ee erayga “qabsasho” isagoo kala jeeda qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ameerikada Dhexe ee galaya Mareykanka. Wuxuu sidoo kale kula loollamay xayeysiinta ka hortagga muhaajiriinta oo loo arkay inay tahay mid takoor ku saleysan.

Markii uu Acosta isku dayay inuu su`aal ka weydiiyo baaritaanka Ruushka ee faragelintii la sheegay inuu ku lahaa ololihii madaxtinnimada sanadkii 2016, ayuu Trump ku celceliyay “intaas ku jooji” isla markaana “makarafoonka dhig”.

Gabar ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad ayaa isku dayday inay makarafoonka ak qaaddo weriyaha, kaddibna Acosta ayaa diiday inuu u dhiibo isagoo ku yiri “iga raalli noqo marwo”.

Trump ayaa kaddib ka tegay masraxa, kaddib wuu soo laabtay isagoo yiri: “CNN waa inay ceebsataa inaad adiga oo kale uu u shaqeyso. Waxaad tahay qof xun oo xaasid ah.” Wuxuu intaas ku daray: “Sida aad ula dhaqantay Sarah Huckerbee [xoghayihiisa warbaahinta] waa si qaab daran,” isagoo aan sababta sharrixin.

Weriye kale ayaa difaacay Acosta, isagoo ku sheegay inuu yahay “weriye fiican”. Trump ayaa u jawaabay, “hagaag taageere kuuma ihi adiga xitaa,” kaddibna waxaa is qabsaday qosolka dadkii goobta joogay.

Sanders, ayaa qoraal ay dhigtay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in Aqalka Cad uusan marna u dulqaadan doonin inuu weriyuhu u gacan qaado gabar dhalinyaro ah oo isku dayeysay inay shaqadeeda qabsato.

Acosta ayaa isagana Tiwtter-ka ku sheegay in laga joojiyay gelidda Aqalka Cad.

White House

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker