Maayarka Caasimadu Soltelco Dhalinyaradii Cabashada Ula Taggey ee Garoonka Dhurqaanta Ayuu Dib Ugu Jiheeyay Ganacsade Baxsane Oo Shiida Kuyidhi Garoon Ha Idin Siiyee

Maayarka Caasimadu Soltelco Dhalinyaradii Cabashada Ula Taggey ee Garoonka Dhurqaanta Ayuu Dib Ugu Jiheeyay Ganacsade Baxsane Oo Shiida Kuyidhi Garoon Ha Idin Siiyee
Dhalinyaradan ayaa muddo dheer waxay si kulmeel-gaadh ah ugu ciyaarayeen dhul uu leeyahay ganacsade baxsane,oo ku yaala xaafadaasi imika loo yaqaan garoonka baxsane.
Ganacsadaha ayaa si ku meel gaadh ah u siiyey dadweynaha xaafadaasi inay dhulkaa u isticmaalaan tukashada salaadaha ciida,iyo inay dhalinyaradu u isticmaalaan,garoon ahaan,inta loo samaynayo garoon ay xaafadu leedahay.
Dadwaynaha iyo dhalinyarta xaafadaasi
Oo ka war hayey in garoonkani uu yahay dhul uu leeyahay,muwaadinka ganacsadaha ah ee baxsane ayaa ka codsadey maayarka inuu u sameeyo garoon gaar u ah dhalinyarada xaafada,sida ay noo sheegtay mid ka mid ah waalidiinta ku nool  xaafadaasi yaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa
Garoonkan kuma haysano baxsane waanu ugu mahadnaqaynaa inuu si kul meel gaadh ah noo siiyo,garoonkan,lkn maayarku been ayuu noo sheegay oo wuxuu nagu qanciyey dhul kale ayaan ugu bedelay maanta waxaanu cadaynaynaa in maayarku masuul ka yahay dayaca dhalinyarada.
Sidoo kale dhalinyaradan ayaa cabasho iyo mudaharaad ay ku diidan yihiin maayar Soltelco ka smaeeyey agagaarka guriga maayarka oo u dhaw garoonkan baxaane.
Dhalinyaradan ayaa maayar Soltelco ku dhaliilay inuu dayaca iyo been abuur ku qanciyey.
Dhalinyaradan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii ay u muujin lahaayeen cabashada ku wajahan garoon la,aanta xaafadaasi.
Arimaha layaab ku ah caasimada hargeysa ayaa waxa ka mid ah baahida ka  jirta degmooyinka caasimada hargeysa ee adeegyada bulshada ka dib markii si badheedh ah loogu takri falay dhulkii danta guud.
Maayar Soltelco ayaa arintan cabashada dhalinyarada ee ku saabsan dhulka uu gaar u leeyahay ganacsade baxsane,ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu maayarku abaabulay dhalinyarada garoon la,aantu ku habsatay,taasina waxay sabab in dhalinyaradu ay weerar ku qaadaan qoyska ganacsade baxsane kuwasi oo habeenkii xalay burbur xoog leh u gaystay guriga xuseen baxsane sidoo kale waxay waxyeelo u gaysteen gaadiidkii ganacsade baxsane.
Maxamuud Cabdi Faarax
Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker