Maayar Soltelco Oo Xaalkiisu Noqday Weerarka Hantida Gaarka Ah Ee Muwaadiniinta.

Dhalinyaradan ayaa muddo dheer waxay si kulmeel-gaadh ah ugu ciyaarayeen dhul uu leeyahay ganacsade baxsane,oo ku yaala xaafadaasi imika loo yaqaan garoonka baxsane.Ganacsadaha ayaa si ku meel gaadh ah u siiyey dadweynaha xaafadaasi inay dhulkaa u isticmaalaan tukashada salaadaha ciida,iyo inay dhalinyaradu u isticmaalaan,garoon ahaan,inta loo samaynayo garoon ay xaafadu leedahay.
Waxaaney Taasi aheyd Mid ay U ogaayeen Dhalinyarada Xaafadu Xaajiga islamarkaana,Xaajiga laf ahaantiisu aanu Wax shaki ah Ka Qabin in cidi hadal ka galin doonto, dhulkaasi uu ku meelgaadhka usiiyay dadweynaha iyo dhalinyarada Xaafada hadiiba uu ubaahdo,oo Dhisme iyo ka yagleelo, ay taasi noqoneyso mid Looga mahad Celiyo mudadii uu Ixsaanka ku Bixiyey,ee Loo Isticmaalay Garoonka.Marka Xaqiiq laga hadlayana Qof kasta oo Kamid ah Dhalinyardda Xaafadaasi Waxa uu Aaminsanaa in aan Xaajiga Lagu haysan Meesha haseyeeshee, ay tahey Mulki uu isagu Leeyahey, Laakiin markii ay dhacdey  cabasho iyo mudaharaad ay ku diidan yihiin maayar Soltelco ka smaeeyey agagaarka guriga maayarka oo u dhaw garoonkan baxaane.
Dhalinyaradan ayaa maayar Soltelco ku dhaliilay inuu dayaca iyo been abuur ku qanciyey.
Kadibna ay arintaasi soo Jiitantey Wakhti dheer Dhalinyaradan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii ay u muujin lahaayeen cabashada ku wajahan garoon la,aanta xaafadaasi.
Arimaha layaab ku ah caasimada hargeysa ayaa waxa ka mid ah baahida ka  jirta degmooyinka caasimada hargeysa ee adeegyada bulshada ka dib markii si badheedh ah loogu takri falay dhulkii danta guud.
Maayar Soltelco ayaa arintan cabashada dhalinyarada ee ku saabsan dhulka uu gaar u leeyahay ganacsade baxsane,ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu maayarku abaabulay dhalinyarada garoon la,aantu ku habsatay,taasina waxay sabab in dhalinyaradu ay weerar ku qaadaan qoyska ganacsade baxsane kuwasi oo habeenkii xalay burbur xoog leh u gaystay guriga xuseen baxsane sidoo kale waxay waxyeelo u gaysteen gaadiidkii ganacsade baxsane.
Maxamuud Cabdi Faarax
Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker