Ciidamada Israel Oo Dhaawacay Wiil Tusaale U Noqday Kacdoonka Falastiiniyiinta Gaza

Wiilkan 22 jir ah oo lagu magacaabo Caaid Abu Amro ayaa dhawaan sawirkiisa astaan u noqday kacdoonka Gaza kadib markii ay bulshada si weyn ugu faafiyeen baraha internetka. Falastiiniyiinta ku nool Gaza ayaa bishii Maarso ee sanadkan bilaabay kacdoon ay ku doonayaan inay dib ugu noqdaan dhulka ay Israel ka boobtay isla markaana uga soo horjeedaan xayiraada Israil ku heyso dhulka Marinka Gaza.

Tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada ay Falastiiniyiinta qabtaan maalin walba oo Jimce iyo Isniin ah ayaa waxay ciidamada Israel toogasho ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur, suxufiyiin iyo Hawlwadeenada caafimaadka.

Caaid Abu Amro ayaa kamid noqday kumanaan kun ee ku dhaawacmay mudaharaadka ka socda Gaza ayaa la sheegay in isniintii lasoo dhaafay ay rasaasta uga dhacday lugaha, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dhinto dhulkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker