Xarunta Xuquuqul Insaanka Madaxa-bannaan Ee Somaliland Ayaa Walaac Ka Muujisay Amar Ay Sheegtay In Uu Cabudhin Ku yahay Warbaahinta Kaasi Oo Uu Soo Saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

Hargaysa-(OWN)-Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu.

1 November 2018 wuxuu Wasiirka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, u qoray waraaq Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu ka codsaday inuu “talaabo sharci ah” ka qaado labada telefiishan ee kala ah Saab iyo Star.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyey labada telefiishan inay jebiyeen amar hore oo ku waajibinayay warbaahinta “inaanay wax xidhiidh ah la samayn kooxda budhcadda ah ee Caare,” sida waraaqda wasiirka oo ay aragtay Xaruntu lagu sheegay.

Waraaqda Wasiirku waxaay ka hadlaysaa sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka oo ka tegay, sheegayna inuu samaystay waxa uu ugu yeedhay “jabhad hubaysan oo mucaarad ah.”

Wasiirku wuxuu sheegay in labada telefiishan ay “si badheedh ah u baahiyeen 27 October 2018 war dhaawac ku ah Qaranimada,” wuxuuna ka codsaday Xeer-ilaaliyaha Guud inuu talaabo ka qaado Saab iyo Star si “looga hortago in warbaahin kasta fidiyaan warar khalkhal gelinaya amaanka iyo xasiloonida dalka.”

Maamulka mid ka ah telefiishanada wasiirku magacaabay ayaa u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jebin shuruucda Somaliland, balse ay sii daayeen war uu tebiyay “sarkaalka ka goostay ciidanka.”

Maaha markii kowaad ee Wasiirka Warfaafintu uu soo saaro amar hadidaad iyo cidhiidhi ku ah xorriyadda warbaahinta. Amar hore oo uu soo saaray wuxuu ku amray inaan warbaahinta Somaliland ka warami karin arimo khal-khal gelin kara amaanka. Todobaadkii hore, badhasaabka Sool wuxuu ku amray suxufiyiinta ka shaqeeya gobolkiisa inaanay ka warami karin maamulka Puntland.

29 kii May 2018, wasiirku wuxuu xayiray labada telefiishan ee SOMNews iyo SBS. Markii danbe xayiraadii waa laga qaaday SOMNews.

Xarunta Xuquuqal insaanku way ka walaacsan tahay mamnuucista isdaba joogga ah ee ka dhanka ah warbaahinta, gaar ahaan arimaha khuseeyo Sool iyo Sanaag. Waxa cad in falalka wasiirku ay cago juglayn ku yihiin warbaahinta islamarkaana ay yihiin isku day lagu faaf reebayo warbaahinta madaxa-banaan.

Qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda warbaahinta, isaga oo reebay dhamaan falalka lagu cabudhinayo.

Guleid Ahmed Jama

Agaasimaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ

Image result for hrc somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker