Wanaagga & Waxqabadka Taliyaha Qaybta Bileyska Gobolka Daadmadheedh

 

Waxa aan maqaalkaygan kooban kaga hadli doonaa masuul ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Daadmadheedh, masuulkaasi waa Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Daadmadheedh Taliye Axmed Cabdillaahi oo runtii ah masuul mudan in la siiyo billad iyo shahaado-sharad aad u qiimo badan. Taas oo uu ku mutaystay hawl-karnimo iyo dadaal badan oo uu muujiyay muddadii uu ka shaqaynayay Gobolka Daadmadheedh.  Waxaana xaqiiq ah, in aanan ninkaas iska ammaanayn isla markaasna aanay jirin wax shaqsi ahaan aniga iigu jiraa ama se igaga xidhane, balse taasi waa mid ay bulshada Gobolka Daadmadheedh carruur iyo cirroolaba ay ka marag kacayaan.

Dhab ahaantii Taliye Axmed waa nin hawl-kar ah misana daacad ah, waxa aannu caan ku yahay in uu dagaal adag kula jiro laaluushka, taas oo ku muujinaysa in aanu ahayn Taliye shaqo-tag, balse uu yahay nin meesha u jooga in uu bulshadiisa wax u qabto.

Waxa aan qirayaa shaqsi ahaan in uu taliye Axmed Cabdillaahi uu joogay muddo kooban. Muddadaas koobanna waxa uu qabtayna ma aha wax tiro lagu soo koobi karo balse waxa aan ka xusi karaa midhadh yar, midhadhkaasna wax ka mid ah:

1.Hawlgal aad u ballaadhan oo la galay kuna dabar-jaray hawlgalka khamriga oo Muddooyinkii u danbeeyay Gobolka Daadmadheedh faro baas ku hayay. Taliye Axmed iyo Ciidankiisu waxa ay ku guuleysteen in ay Gobolka ka dabar jaraan khamrigii afada ahaa. Wadarta guud ee ay gacanta ku dhigeenna waxa uu ahaa, 4400 Litir ama 22 Foosto oo khamri ah iyo gadiidkii siday oo ahaa 16 gaadhi, sida oo kale na waxa  ay gacanta ku dhigeen 46 qof oo ahaa dadkii Khamriga siday  ama Khamriga ku lug lahaa, kuwaas oo dhammaantoodna sharciga la hor keenay.

  1. Waxa uu taliye Axmed ka hawl-galay wax ka qabashada falka Kufsiga taas oo uu ku guuleystay ugu yaraan 16 kiis oo kufsi ah.
  2. Waxa uu Taliye Axmed wax ka qabtay falal Dilal iyo dhawaacyo isugu jira oo ka dhacay Guud ahaan Gobolka Daadmadheeedh.
  3. Waxa uu taliyuhu gacan weyn ka gaystay soo afjaridda iyo waxqabashada isku dhacyo iyo shaqaaqooyin badan oo bulshada ka dhex dhacay.
  4. Iyo arrimo badan oo aan la soo koobin Karin oo bulshada danteeda ah, kana mid yihiin la dabar jaridda iyo dabar-goynta deegaanka sida dhuxusha.

Ugu danbayn waxa aan halkan uga caddeynayaa Bulshada Gobolka Daadmadheedh iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal, in uu Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Daadmadheedh uu yahay Taliye dalkiisa iyo dadkiisa ba  u daacad ah, hawlahiisa shaqana u qabta si karti iyo daacad ah, waxa aanan ka codsanayaa dhammaantood in ay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan. Taliyaha waxa aan Eebbe uga baryayaa in uu ka abaal marsho dadaalkiisa.

 

Saleebaan Maxamed Cabdillaahi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker