Ciidamada Masar Oo diley 19 qof oo lagu tuhunsan yahay Weerarkii Masiixiyiinta

Ciidamada dalka Masar ayaa sheegay in ay dileen 19 kamid ah islaamyiinta mayalka adag, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay dileen 7 qof oo ah Masiixiyiinta Kobtiska kuwaas oo ku cibaadeysanaayey meel kamid ah gobolka Minya bartamaha dalka Masar.

masar

Kooxda ay dileen ciidamada dalka Masar ayaa iska difaacay ciidanka, waxaana cidiamadu soo bandhigeen meydokoodi iyo hubkii ay wateen.

Ciidamada ayaa kooxdan ka heley meel buur ah oo ku taala gobolka Minya ee saxaraha dalka Masar halkaas oo ay ku dhuuman jireen.

Afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegay in kooxdan xagjiriinta ah ay rasaas ku soo fureen ciidanka kadib markii la isku gadaamey, ciidanka ayaa ka jawaabey rasaastaas waxaana lagu diley 19 kamid ah kooxdii isku qarineysey buurta ee looga shaisan yahay weerarkii Jimacada ee lagu diley Masixiiyiinta ayuu yiri afhayeenku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker