Agaasimaha Warfaafinta oo ka Qaybgalay Shir Lagu Falanqeeyey Saxaafadda oo Lagu Qabtay Tanzania

Hargeysa(OWN)-Agaasimaha guud  ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygigelinta  Md. Cismaan Xuseen Warsame oo muddo afar maalmood ah socdaal  shaqo ku jooga  waddanka Tanzania ayaa ka qeyb galay shir lagaga hadlayey kor u qaadida saxaafadda iyo baadbaadinta suxufiyiinta.

Siday ku warrantay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Shirkaas waxa Agaasimaha guud ee Warfaafinta ku wehelinayey agaasimayaasha SOLJA, WIJA iyo xubno ka socdey Human Rights Centre- ka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Warfaafintu waxa kaloo uu kula kulmay dalka Tanzania saraakiil iyo wufuuf ka kala socdey waddamada bariga Afrika.

Shirkaas lagu qabtay Tanzania waxa furay  Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Ciyaaraha  Tanzaania. Dr. Harrison Mwakyemba, waxaa kaloo ka soo qeyb galay madaxweynaha maxkamadda sare ee bini’aadanimada  Afrika ( African Court of Human and Peoples Rights) Justice Sylvain Ore. Waxaa kaloo joogey Madaxa UNESCO ee bariga Afrika Mr. Tirso Dos Santos.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa masuuliyiintaas  si gaar gaar ah ula kulmay shirka kadib, waxaanay ka wada hadleen  hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya hay’adahaas iyo dalalka Somaliland iyo Tanzania iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoon isweydaarisiga noocan oo kale ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker