XUSUUSIHII MADASHII BUUGGA XIRSI IYO DAYMADA ARRINTA DOODDA ABUURTAY: QORAA MAXAMED-KEYSE

Habeenkii sabtidu soo gelaysay 26/10/2018 cishaa’iga ka dib ayaanu galnay goobtii buugga lagu soo bandhigayay oo lanagu casuumay aniga iyo saaxiibkay Xuseen.
SHAN ARRIN OO MARKIIBA INDHAHA SOO JIIDANAYAY
 1.  Dad badan oo kadinka hor tuban oo u muuqday dad aan kaadh haysan oo haddana raba inay goobta galaan ayaa ahaa wax qofku marka uu meesha hor yimaaddaba la kulmayay.
2.  Dadka debedda tuban iyo kuwa gudaha ku jiraba waxa ka muuqatay xiiso badan oo arrinta buugga ay u hayaan.
3. Madasha waxa yimi qorayaal badan, madax badan oo ay ugu mudan yihiin Guddoomiyaha Guurtida SL Saleebaan iyo Cabdikqaadir Jirde Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Wadani, wasiirro hore, xubno golaha Wakiillada ka tirsan iyo xubno seddexda xisbi ka kala socday.
4. Dadkii hadlay oo seddexda xisbi ay ka mid ahaayeen waxa guud ahaan ay ka siinaayeen shiqsiyadda Xirsi oo ay isku aragti ka ahaayeen. Ma jirin wax la sheegikaro oo ay ku kala duwanaayee markay Xirsi laftiisa ka6 hadlayeen. Rag ay Xirsi siyaasadda aad ugu kala fogaayeen ayaa habeenkaas goobta yimi oo si hufanna uga hadlay munaasibadda.
5. Waxaad dareemaysay in ay jirto dareen dhinaca buugga ku saabsan oo jawiga ka muuqday laakiin ma jirin cid buugga akhriday oo goobta ka hadashay marka laga reebo qoraa Maydhane oo isagu si guud u dulmaray xogta buuggu sido.
 DAREENKAYGA
Waxaan odhankaraa
5 jeer buu hanbalyo ku mudan yahay qoraagu magaca buugga oo keliya.
1. Kalsoonida magaca nuxurka badan  ee  buugga uu ku xushay.
2. Sida uu ugu faraxsan yahay inuu nolol miyi oo uu soo maray ka hadlo, halka kuwa qallooca u bahdilmay ka baqaan.
3. Sida magaca buuggu gantaal ugu yahay bahda dool-la-noosha ah ee quudhsata nolosha dhabta ah.
4. Sida magaca buuggu u xorreynayo maskaxda qofka soomaaliyeed ee la dalasaday lagana6 caayay meeshii keli ahayd ee wax uu ku  faanikaraa yaalleen.
5. Xogta xusuusta mudan ee miyi ilaa magaalo ah ee buugga laga dheehanayo iyo dadaalka tacabka badan6 ee qoraagu ka soo mutay.
KAFTANKII MADASHA
Kaftankii madasha ee habeenkaas waxa ka mid ahaa “tani waa madal loo dhan yahay,” Caaqil Rashiid Jaanbiir. Waxa kale oo xusuus mudan kaftan kale oo ahaa “siyaasadda Somaliland waxa laga bartaa qaaxoolaji iyo naxliyoolaji,” sidaasna waxa madashac kaga kaftamay Qoraa Jamaal Cali Xuseen.
MADAXWEYNIHII HORE MAR INUU ISCASILAAD DAMCAY IN BUUG LAGU XUSAA DENBI BAA?
Wax yar aan ka idhaahdo arrinta dhaliisha ah ee leh: “iscasilaad madaxweynihii hore waqtigii uu xilka hayay holladay iyo sababtii ku kelifaysay waa sir qaran oo in la qoro waa denbi.”
Qoraalka kooban ee arrintaas ka hadlaya ee buugga Xirsi ku qoran waxaan odhankaraa:
1. Madaxweynihii hore waa u sharaf iyo markhaati wada socda oo tilmaamaya damiirka wanaagsan ee madaxweynihii hore leeyahay iyo sida uu fahamsanaa miisaanka  xilka qaranku leeyahay.
2. Waqtigii ay arrintaasi ahayd in laga qariyo dhangaagaalaha rebshad abuurka waa intii madaxweynaha hore xilka hayay, maanta se waa taariikh.
Waxaan mudan in qofka hollashadii iscasilaadda madaxweynihii hore iyo sababta kelifaysay ee la xusay dhaliisha ka dhigaya, ee leh “waa sir qaran” ama “waa shiqsi wareer” lihi ha eego Madaxweynaha Maraykanka ee iminka xilka haya waxa soo wajahay intii xilka hayay. Inta la shaaciyay aan ka xusno:
1. Sidii lagu doortay oo tuhun la geliyay iyada oo la leeyahay  gacan shisheeye ayaa ku jirtay.
2.  Caafimaadka maskaxdiisa oo su’aal la geliyay.
3. Eedeyn dhinaca dumarka ah.
Haddaba haddii daliilka wax dhaliiluhu yahay wax kitaabka dimuqraadiyadu xaaraantinimeeyay baa Buugga Xirsi jebiyay, haddee sheekhii dimuqraadiyadu miyaanu Maraykan ahayn?
Haddii daliilka dhaliilihu yahay diinta ayaa xaaraan ka dhigtay in la sheego  masuul iscasilid dalbaday sababtii ku keliftay ama xanuunsaday, haddee khulafadii islaamka ee jannada loogu bushaareeyayba taariikhdoodii iyo waxyaabihii la kulmay xumo iyo samaba waa la qoray. Xataa Rasuulkii Rabbi csww ayaa markii uu xanuunsaday sidii uu u kaarayay taariikhdu xustaa.
Waxaan ku soo koobayaa:
1. Haddii isku dayga iscasilaada madaxweynihii hore laga qoray iyo sababta kelifaysayba la leeyahay waa been,  waa wax la garankaro oo hubinteeda u baahan.
2. Haddii la leeyahay waa ceeb qof oo la faafiyay. Diinteenu ma ogola in qof ceebtiisa la faafiyo. Laakiin waxa aqoonta iyo caqliga toosanba ku ugub ah in ceeb lagu tilmaamo qof doonay inuu xil ka dego iyo sababta ku keliftay.
Qoraa M. Y. Xaaji Cabdi ( Keyse)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker