Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ugu baaaqay Gudida Doorashooyinka Somaliland in ay is casilaan, Madaxweynahana usoo Jeediyay in uu la yimaado Tanaasul.

Hargeysa(OWN)-Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO. Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa Guddida Doorashooyinka Somaliland Usoo Jeediyay Inay Si isku mid isaga Casilaan Xilka Ay Hayaan, Si loo helo isku soo dhawaansho Dhanka Siyaasada ah ee Xisbiyada dalka. isla markaana ay u qabsoonto Doorashada Gollaha Wakiilada iyo Gollayaasha Deegaanka.

Gudoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax waxa uu yidhi isago Saxaafada kula hadlaya magaalada Hargeysa.

“ Arimaha Doorashooyinka waad ogtihiin Asxaab ayaa Ka State Holders- ah .komishankuna waa Garsoore,waxyaabaha la isku hayana way ka mid tahay. sidaad og tihiin Doorashadaas ay komishanku inoo qabteena doorasho Caalami ah bay ahayd, runtiina Doorasho Aad heerkeedu u sareeyey bay ahayd,Qalab Casri ah baa la isticmaalay,diiwaangelintii la sameeyey. waxaa soo dhami waxay ahaayeen Out Standing doorashaas ay qabteena waan ku Hambalyaynayaa.

laakiin Maanta qodobada laga hadlaayo ee caqabada ku ah qaranka maadaama ay ka mid yihiin, anagu waxaanu u aragnaa xalka iyagoo dadka eegaaya iyagoo dalka eegaya dadkii ay u garnaqaayeen oo ah asxaabtii qarankana halkay ka taagan yihiin eegaya inay si Mutadawacnimo ah Xilka Ay isaga Casilaan,si isku soo dhowaansho iyo is afgarad iyo in hore loo socdaa ay u suuragasho. waayo madaxweynihii ma kala eryaayo, maxaa yeelay demanka xisbiga waxay keenaysaa in ma garanaysaa doorashadii inoo dhacday ee Credible-ka ahayd ku keento nusqaan.

Markaa anagu waxaan xalka u aragnaa Dallad SONYO ahaan, hadaan la kala roonaan Roob ma da’ayo Doorashana ma dhacayso qolo walibana hadii ay halkeeda Taagnaato markaas kaasi waa qodob.

Anigu waxaan soo jeedin lahaa si Mutadawacnimo ah inay nimankaasi isku casilaan maadaama Kalsoonidii asxaabta Qaranka iyo komishankan Jooga uu Madmadow ku yimi soo jeedintayaduna maaha macnaheedu xisbiga ka cabanayaa saxsan, balse waa sida xal loo gaadhi karaa doorashana u dhici kartaa “ Ayuu yidhi Cabdi casiis Siciid Saalax Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada ee SONYO

Cabdi casiis Siciid Saalax Gudoomiyaha Dallada SONYO waxaa uu Ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland inuu isagu Tanaasulka Koowaad la Yimaado. dhinaca kalena aqalka GoLlaha wakiilada Somaliland ayuu usoo jeediyay inay dhamaystiraan shuruucda Doorashooyinka waxaana uu yidhi

“ Dhinaca kale Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu Tanaasul sameeyo isaga ayaana ah mAanta Hogaankii qaranka Markaa Tanaasulaad iyo Rogrog iyo Options in la keeno oo isku soo jiid Yimaado ayaa la doonayaa markaas SONYO ahaan waxaan Soo jeedinaynaa

1-Wadahadalo Rasmi ah inay bilaabaan Madaxweynaha iyo asxaabta Qaranku

2-Umadan waa ku ceeb mid kastaa inuu Halkiisa ku Adkaysto waana in Mid kastaa Halkiisa kasoo Kaco

3-Asxaabta Mucaaridkana waxaan ka codsanayaa idinkoo cadhaysan amase kacsan Goaamo Ha iska gaadhina oo umada Masiirkeeda iyo horumarkeedu ku xidhan yahay

Waad ogtihiinoo doorashada Baarlamaanka waxaa inoogu danbaysay sanadkii 2005 iminka 12 sano ayay fadhiyaan waana ku Hambalaynayaa gudoomiyaha Golaha Wakiilada inuu yidhi Doorashadii Diyaar baanu u nahay xilkana inaanu wareejino diyaar Baanu u nahay in la qabtona diyaar baanu u nahay Laakiin gudoomiye Baashena waxaan leeyahay shuruucda doorashooyinka ee idin horyaala dhameeya si aanu u ogaano inuu idinka dhab yahay hadalkaasi “ ayuu yidhi Cabdi casiis Siciid Saalax Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada ee SONYO

Gudoomiyaha ayaa ka jawaabay suaal la waydiiyay oo ahayd in xukuumada iyo xisbigeedu ay kasoo horjeedaan kala diris lagu sameeyo Komishanka doorashooyinka waxaana uu yidhi isagoo ka Jawaabaya

“dib u dhac baa imaan kara caqabad ayaa imaan karta nimankina waa niman shaqada ay hayaan lasoo qabsaday laakiin marka asxaabtii qaranka iyo dadkii loo garnaqayay ee ahaa tartamayaashu markay iyaguna kalsoonidii diidaan waxay noqonaysaa mindi mindi ku tag waxayna noqonaysaa in labada dhinac mid Tanaasulo sababtaanu anagu usoo jeedinaynaana waxa weeyaan maaha inaanu leenahay way la qabsadeen oo dan bay u yihiin oo wax badan ayaa jira Laakiin waa in xal la keeno Haduu xalku imaan waayona waxay sheegaysa xadaarada iyo umadaha hore u maray qofka laga cawday Haduu doono haba saxsanaadee adigoo iga cawday baan hadana kuu garnaqayaa waa arin ay maskaxda Caadiga ah soo tuurayn “ Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Cabdi casiis Siciid Saalax Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada ee  SONYO

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker